Mareykanka, Oo Xayiraad Dhanka Socdaalka Ah Kusoo Rogay Dadka Dalkiisa Uga Imaanaya Qaaradda Yurub.

0
Thursday March 12, 2020 - 07:50:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka, Oo Xayiraad Dhanka Socdaalka Ah Kusoo Rogay Dadka Dalkiisa Uga Imaanaya Qaaradda Yurub.

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay

in xayiraad dhanka socdaalka ah uu kusoo rogay dadka dalkiisa uga imaanaya qaaradda Yurub.


Arrintan ayuu madaxweynaha ku sababeeyay sidii looga gaashaaman lahaa faafidda xanuunka Corona.



Khubad uu si toos ah telefishenada uga jeediyay ayuu ku sheegay in muddo 30 cisha ah la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Mareykanka uga iman jiray Yurub.


Xayiraadaas ayuu Trump ku sheegay inay tahay "mid adag balse loo baahan yahay", wuxuuna intaa raaciyay in aysan ku ekeyn oo keliya dalka Britain oo xanuunka fara ba'an ku hayo, balse dhammaan dalalka kale ee Yurub.

Dalka Mareykanka, 1,135 kiis oo xanuunka corona ayaa la xaqiijiyay, halka 38 qofna ay u dhinteen.


"Si loo joojiyo in kiisas cusub ay dalkeena soo galaan, waxaan hakinay dhammaan duulimaadyada inooga yimaada Yurub," ayuu yiri Mr Trump.


Xayiraadan ayuu sheegay inay dhaqangeli doonta habeenka jimcaha.

Madaxweyne Trump waxaa dalalka midowga Yurub uu ku eedeeyay "inay ku guul dareysteen inay qaadaan tallaabooyin looga gaashaaman karo xanuunka", si lamid ah Mareykanka.


Waxaa uu hadalkan jeediyay saacado un kadib markii dalka Talyaaniga oo ah dalka ugu badan ee uu xanuunka saameeyay Yurub marka laga so tago Shiinaha uu ku dhawaaqay tallaabooyin dheeraad ah oo wax lagaga qabanayo xanuunka.


Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in la xirayo dhammaan dukaamada wax laga iibsado, marka laga reebo kuwa raashiinka iyo dawooyinka.


Mareykanka waxaa kale oo uu sheegay in xayiraadda ay sidoo kale saameyn doonta ganacsiga iyo badeecadaha Mareykanka uga yimaada Yurub.


Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay lacago amaah ah oo la siinayo ganacsatada yaryar ee uu saameeyay xanuunka, waxaana aqalka Kongreska uu ugu baaqay inay meel mariyaan qorshe canshuur dhaaf ah inta lagu guda jira saameynta xanuunka.


Waa side xaaladda Mareykanka?

Mas'uuliyiinta dalka Mareykanka waxay sheegeen in guud ahaan Mareykanka uu ku yar yahay xanuunka corona balse walaaca ay qabaan uu yahay kiisaska cusub ee dhawaan la xaqiijiyay.


Dedaalo lagu xakameynayo xanuunka ayaa ka bilawday Mareykanka. Ciidamo milateri ayaa loo daabulay magaalada New York City, halkas oo la sheegay inay kamid tahay meelaha uu xanuunka ka faafayo.


Ciidamadaas ayaa raashin iyo waxyaabaha kale ee asaasiga ah u qeybin doona dadka lagu amray inay guryahooda ku nagaadaan.


Sidoo kale barasabka Washington ayaa mamnuucay in dadka ay isugu yimaadaan goobaha dadweynaha.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in Caabuqa Corona uu yahay musiibo Saf-mar ah oo caalami ah.


WHO ayaa in muddo ah isha ku heysay dhaq-dhaqaaqa cudurkan, iasagoo hadda ku fiday inta badan dalalka caalamka.


Madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in cudurka uu si baaxad leh ugu fidiyay dibadda Shiinaha, oo ah halkii uu kasoo billowday.


Wuxuu sheegay in isagu "uu aad uga walaacsan yahay" waxa uu ku tilmaamay "heerarka naxdinta leh" ee uu sii gaarayo cudurkan.


Erayga "pandemic", oo micnihiisu yahay "Saf-mar" waxaa loo adeegsadaa cudurrada hal waqti gudihiis ku faafa dalalka caalamka.


Dalka Talyaaniga oo ah kan ay saameynta ugu xun gaartay marka la eego gobolkaas ayaa gabi ahaantiisba bandow la galiyay, waxaana wax badan laga baddalay jadwalkii guud ee dhammaan howlaha.

Dadka ayaa lagu amray inaysan guryahooda kasoo bixin, wax booqasho ahna sameynin.


Dhanka kale, hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sheegtay in marka la eego sida ay hadda xaaladdu tahay ay suurtagal tahay in 70% ka mid ah shacabka Jarmalka uu ku dhaco Caabuqa cusub ee Corona.

 

BBC

Loading...
Loading...