Caabuqa Corona Oo La Xaqiijiyay Inuu Yahay Musiibo Saf-Mar Ah

0
Thursday March 12, 2020 - 07:42:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caabuqa Corona Oo La Xaqiijiyay Inuu Yahay Musiibo Saf-Mar Ah

    Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay
ku dhawaaqday in Caabuqa Corona uu yahay musiibo Saf-mar ah oo caalami ah.


WHO ayaa in muddo ah isha ku heysay dhaq-dhaqaaqa cudurkan, iasagoo hadda ku fiday inta badan dalalka caalamka.



Madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in cudurka uu si baaxad leh ugu fidiyay dibadda Shiinaha, oo ah halkii uu kasoo billowday.


Wuxuu sheegay in isagu "uu aad uga walaacsan yahay" waxa uu ku tilmaamay "heerarka naxdinta leh" ee uu sii gaarayo cudurkan.


Erayga "pandemic", oo micnihiisu yahay "Saf-mar" waxaa loo adeegsadaa cudurrada hal waqti gudihiis ku faafa dalalka caalamka.


Hase yeeshee, Dr Tedros ayaa sheegay in tallaabada ay hay'adda WHO cudurkan ugu tilmaantay Saf-mar aysan micnaheedu ahayn in hay'addu ay baddaleyso taladii ay dalalka ku siisay waxa ay mudan yihiin inay sameeyaan.


Cudurkan ayaa si xowli ah ugu fidaya dalalka dunida, waxaana meelaha qeylo dhaanta ay kasoo yeereyso ka mid ah qaaradda Yurub.


Dalka Talyaaniga oo ah kan ay saameynta ugu xun gaartay marka la eego gobolkaas ayaa gabi ahaantiisba bandow la galiyay, waxaana wax badan laga baddalay jadwalkii guud ee dhammaan howlaha.


Dadka ayaa lagu amray inaysan guryahooda kasoo bixin, wax booqasho ahna sameynin.

Dhanka kale, hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sheegtay in marka la eego sida ay hadda xaaladdu tahay ay suurtagal tahay in 70% ka mid ah shacabka Jarmalka uu ku dhaco Caabuqa cusub ee Corona.


Tiradaas ayaa ah qiyaastii 50 malyan oo ruux.

Mrs Merkel ayaa sheegtay in dowladdeeda ay diiradda saareyso sidii loo yareyn lahaa faafitaanka cudurka, si aysan xarumaha caafimaadka u buux dhaafin.

 

BBC

Loading...
Loading...