Jidh-dil iyo Qasab ilmuhu Wax ma ku Bartaa?...W/Q Ibraahin Khadar Siciid

0
Wednesday March 11, 2020 - 15:43:25 in Articles by
  • Visits: 1049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jidh-dil iyo Qasab ilmuhu Wax ma ku Bartaa?...W/Q Ibraahin Khadar Siciid

    Jidh-dil iyo Qasab ilmuhu Wax ma ku Bartaa?...W/Q Ibraahin Khadar Siciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jidh-dil iyo Qasab ilmuhu Wax ma ku Bartaa?...W/Q Ibraahin Khadar Siciid


Jawaabtu waa fududahay, gaaban tahay na. Waa MAYA. Laakiin, waxa adag in lagu dhaqmo oo waalid badan fahmaan. Marka aan waalid leeyahay barayaashuna way ku jiraan.


Waxbarashadu dunida casriga ah ee hadda (qarnigan) waa hubka kaliya ee Aadamaha iyo dalalku ba isku dhaafeen. Sababtoo ah marka dalka waxbarashadiisu u qaabaysan tahay mid shakhsiga dhisaysa amma soo saaraysa ubad dalkaas leeyahay oo u fikiraaya sida ba'adiisa wacyiga ka jira yahay waxa yimmaada horumar amma jab.




Horumarku wuxuu dhasha marka jiilka bulshadaas ka fikiro horumarinta xaadirka iyo in ay dhaxal-waara uga tagaan jiilka dambe ee ka beerma. Jabkuse wuxuu dhacaa marka waxbarashadu soo saarto ubad aanad lahayn, sababtoo ah jidka waxbarasho eed u dhigtay baa sidaa ah.


Innagoo-Somali ahaan-meesha aad doono ku noolano amma jinsiyada rabno ahaw- aan qaabaysan hannaankeena waxbarasho amma aan soo saarin jiil u fikiraha sidaynu rabno in aynu u horumarno, waxa haddana aynu qasab iyo juujuub ubadkeena kaga dhignaa waxbarashada iyo inaannu ilmuhu dooran sida uu rabo inuu wax u fahmo amma u barto.


Dhaqankeenna oo ah mid salka ku haya reer-guuraanimo iyo kayn joognimo ilmaha lagu ababin jiray inuu adkaysi u yeesho dhibaatada degaankiisa ka jirta sida abaar amma colaad, doorashadana mar kasta waxa laha cida barbaarinaysa oo siday rabaan qasab iyo juujuub ugu jihayn jirtay. Kadib waxa soo bixi jiray ilmo dagaal iyo dhib u jooga ilayn sidaasay ababintiisu ahayd-waa sababta aan colaad iyo qawqan uga bixi la'nahay ilaa hadda.


Dhaqankaas ma uu hadhin magaalawgu (Urbanization) waqtiguu yimi ee isagii uun baa lala falgeliyey hab nololeedka cusub. Tusaale ahaan, ilmaha lama siiyo marna ba inuu doorasho sameeyo sida inuu waxa uu doonaayo inuu u barto, taasina waxa ay sababtay in in badan waxbarashada colaad u qadaan, kuwa dhammaystayna aanay saamayn iyo midho dhal ka keenin aqoonta ilayn ma ay ahayn waxbarasho shakhsiyadiisa ku habboon oo uu jacayl u bartaye.


Waxa kale oo saamayn aan fiicnayn ku noqday barayaasha oo laftoodu ilmaha jidh-dil iyo ku dirqin ku barayey duruusta.


Soomaalidu waxay ku maahmaahda: 'Qoolaydu qoor-qabad biyo kuma qudhqudhiso," sidaa si la mid ah qof kuna wax kastoo lagu qasbo nacayb uu u qaado mooye kama dhaadhaco.


Araarta dheer waxa igu kalifay anigoo moodaya in aynu ka baxnay ku dirqintaas, ayaan la kulmay ilmo habeennimo xilli dambe dibada taagan oo ka cabsanaya inuu gurigooda galo iyo waalidkii oo ul dibada la taagan. Dhexdhexaadin iyo ku qancin in ilmuhu hoydo oo loo dhaafo si uu u seexdo, maadama uu gelin iyo badh dibad-meer ahaa, daal iyo gaajana hayso, waxa ii soo baxday in ilmahaas diiday inuu tago madarasad uu Quraanka ka dhigto. Waalidku qasab buu kaga dhigayey, sababta uu u diidanana lama waydiinayn oo markuu hadla ba qawtaar baa qabsada.


Ilmuhu wuxuu uga maagayey malcaamada Quraanka waxa si xun oo axmaqnima ah u dila macallinka, nabarro iyo dhaawacyo uu gaadhsiiyey ayuu na tusay. Waalidku qiimaha uu Quraanku leeyahay dartii buu ugu adkaysanayey in ilmuhu malcaamada aannu ka bixin, balse waxa aanay dareemin dhibta haysata iyo la saxiib la'aanta ilmahooda.


Dhacdadaas waxay i xasuusisay waqti aan dhigan jiray malcaamad Quraan. Maalin maalmaha ka mid ah oon ku mergaday casharkii maalinta la iga rabbay, ayaan ku mutaystay ciqaab adag oo ilaa hadda xannuunkeedii aannu maskacdayda ka bixin, sida ilmahaasna i nacsiisay inaan malcamada sii dhigto.


Shaadhka inta uu hoosta iiga mariyey, suunkii aan surwaalka ku xidhnaanna aad dhexda igaga giijiyey, laba dible ii xidhay, kadibna cagaha iga dabray ayuu jinac/dhuxun-ku-reeb igu shubay, kadibna badhanka ugu sarreeya ee shaadhka ii xidhay. Intaa kumuu joogsan ee wuxuu igu carriyey dhuxun-ku-reebkii. Qol cidlo ah oo mugdi ah baa la igaga rawaxay, anigoo ku jiray xaalad naf-baxu dhaanto, ayaa goor galab ah albaabka la iga furay. Xannuun ka, qanniinyadii jinaca,, haraad iyo gaaja ii dheera. Oradkii aan qaaday kuma soo noqon madarisadii.


Haddii aad dacwayso amma aad wax ka tira dhaqankeena ayaa ceebaale ka dhiga oo dhiirgeliya ixtiraamka macallin Quranka amma bare oo dhan.


Eleanor Roosevelt oo 1930-kii qoray maqaal cinwaankuusu ahaa, "Good Citizenship: The Purpose of Education," (Muwaadinka wanaagsan: ujeeddada tacliinta) ayaa qoraalkiisaas ku yidhi, " Haddii aad kooxo macallimiin ah, maamulayaala, ardaya, xubno guddida, hoggaamiyaal ganacsi amma siyaasad dejiyayaal ahv(policy makers) si isku mid ah u su'aasho in ay ka jawabaan ujeeddada waxbarashada, siday u adag tahay in aad hesho jawaab waafiya? Waxa ka habboon inaad waydiiso, "Waa maxay macnaha noloshu leedahay?


Inkastoo ay adag tahay in si isku mid ah la isula fahmo ujeeddada waxbarashada, balse haddana waa in ay jiraan ujeeddo ah in la soo saarto bulsho fayaw iyo waxbarasho aan qasab ahayn.

Alla Mahad leh....

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...