Mawqifka Dadka iyo ka Dawaldda Somlailand ee Wadahalka Somaliya...W/QProff Cabdi Cali Jaamac

0
Wednesday March 11, 2020 - 15:40:48 in Articles by
  • Visits: 1320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mawqifka Dadka iyo ka Dawaldda Somlailand ee Wadahalka Somaliya...W/QProff Cabdi Cali Jaamac

    Mawqifka Dadka iyo ka Dawaldda Somlailand ee Wadahalka Somaliya...W/QProff Cabdi Cali Jaamac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mawqifka Dadka iyo ka Dawaldda Somlailand ee Wadahalka Somaliya...W/QProff Cabdi Cali Jaamac


Digniin: Haddii aad qofayso ama aad Qabiilayso Waxa lagu Saari Karaa Ood-rogo!

Image may contain: 1 person


Saddex mawqif baa jira; midi waa kan siyaasadda dawladdu ku shaqaynaysay tan iyo intii Golayaashu ogolaadeen in lala hadli karo nimankaas; mawqifka kale waa kan ay taagan yihiin dad badan oo ay ka mid yihiin odyaaasha Madasha Qaar ka mid ahi; mawqikaasi waxa weeye: waynu la soo noqonay dawladnimadeenii 60 kii luntay, umana baahnin inaynu la hadallo nimankaas, ictiraafkuna waa ka Ilaahay!!; dadka ku dooda soddon sano ayaa la ina ictiraafi waayay qoldadan waxba kama gurayaan, waddamo sida Taiwan iyo kuwa la mid ah oo horumaray icitiraaf la'aana ayaa daaqadda looga dhiibayaa; waxa loo sii raacinayaa South Sudan markii ay dhalatay ba waa loo dhiibay icitiraafkee, muxuu u taray, maanta waa qubuuro e; ha moodin icitiraafka ushii Nabi Muse ee mucjisada ahayd; hana u qaadan haddii lagu icitiraafo in ay tahay dawadii aad kaga bogsanaysay cudur kasta; Muqidishadan aad nagu xiijisay muu wax u taro icitiraafku illayn way haystaane!! Sawtan ifka ay ku cadaaban yihiin; halkaasay kala dhacayaan; waana dood adag oo aan la dhayalsan karin; ninkii meeli u caddahayse looma taag helayoo nacnac buu u arkaa!!


Mawqifka saddexaad na waa qolo degdesan oo immika iyagoo inala joogo haddana sawirtay in aynu isku biirnay ba Somalia, oo aanay jirin ba wax kala soocan ba; iyaga ayaa khayaaliga samaystay si ay isu ilawsiiyaan waaqica dhabta ah; Xamar iyo Hargaysa waxay u haystaa in ay yihiin sida Burco iyo Hargysa oo kale; markaa iyagu way kuu biireen ba; u fiirso qorayaashooda waawayn; labada marku wax qorayo dawladda Farmajo ayaabu ka jecel yahay teena; wadahadalka iyo waxaasi waxay u arkaan ba in ay tahay waqti lumis; qoladan waxan u bixiyay Qardajeex ama Mar Kale Ma is Miidaminaa?; qaarkood xilal baabay ka hayaan dawladda Farmaajo, qaarkood xidhiidh baabay la leeyihiin oo maalgalin bay ka helaan; dee kuwaasi wadahadal ba may sugin; warkoodu wuu cadyahay!


Si kastaba ha ahaatee, mawqifka immika rasmiga ahi waa kan Dawladda; labada mawqif ee kalena waxa qaba muwaadiniinta, inkasta oo qolada danbe aan aaminsanahay in ay noqdeen muwaadininn reer Somaliya ah, haddana dee waxay ka soo jeedaan dhulkan iyo dadkan!


Adigu kuwee baad tahay?

Abdo: maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...