Waji Gabaxa Siyaasaddaha Caalamka..W/Q Axmed Xiis Dharbaan

0
Wednesday March 11, 2020 - 15:30:57 in Articles by
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waji Gabaxa Siyaasaddaha Caalamka..W/Q Axmed Xiis Dharbaan

    Waji Gabaxa Siyaasaddaha Caalamka..W/Q Axmed Xiis Dharbaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waji Gabaxa Siyaasaddaha Caalamka..W/Q Axmed Xiis Dharbaan

Image may contain: Axmed-xiis Dharbaan, smiling, sitting

USA

Hal usbuuc ayuu hawada kaga baxay Bernie Sanders kadib markii uu salaasadii hore iyo salasadii shalay uu gobolo door ah kala kulmay guuldarrooyon xidhiidhsan. Bernie waxa u tashaday xisbiga uu ka dhex carrarrayo ee Dimuqraadiga. Inkasta oo Maraykanku dhaqan ahaan aysan jeclayn "socialism-ka" oo ay doorbidaan qofku in uu ku tiirsanaado naftiisa, Bernie na yahay "socialist" haddana haybtiisa Hibrooga ayaa aynnu odhan karnaa, waa ay ka daadeggi waydey dadka waaweyn ee codkooda dhiibtay.



Hibrooga haddii dadka qaar ay ku diidayaan, waxa iyanna la odhan karaa, waddanka Israel laftiisu lama dhacsana ololaha Bernie Sanders.


Iminka waxa bilaabmay in lakala jiito tageerayaashii Bernie Sanders - fahamkayga tageerayaashisu waxa ay codkooda ku hubsan doonaa sanaadiiqda Donald Trump.


Malaysia

Kadib usbuucyo waddankaasi uu ku jiray baaxadeg iyo dabaal-joogtayn siyaasadeed, saaka ayuu Odaygii Mahathir sheegay in aannu tahli karin in uu dib isugu soo celiyo aqlaabiyadda xubnaha baarlamaanka dalkaas. Mahathir waxa uu yidhi "ma hor istaagi karo Muhyaddin". Muhyaddinna wuxuu cafis waydiistay macalinkisa.


Saaxiibkeen Anwar Ibraahim talo ayaa ku duntay, ha iska samro.


Muqdishu


Kuf kasta waa la sii ishaaray, balse sida hadda wax u socdaan, furfurka ku yimid hankii Farmaajo la isma lahayn sidaa degdega ah ayuu taxadka u taabanayaa. Wararka ku saabsan doorashada loo balansan yahay dalka Soomaaliya, waxa si wayn looga dayrinayaa rajada Farmaajo - Madaxweyne Farmaajo ma noqon doono madaxweynihii ugu horeeyey ee labbo jeer oo isku xiga la doorto - that is the bottom line!


Farmaajo inkasta oo uu wakhti haysto inta ka horaysa Ramadaanta in uu gacanta ku dhigo Bu'aale oo ah caasimad Jubbaland haddana, isu guurguurka beesha Hawiye iyo tageerada caalamiga ah ee ku ururraysa Cabdikariin X. Guuleed, ayaa dhabarjab ku ah dadaal kasta oo uu la yimaado wakhtigan M.ne Farmaajo. Marreexaan iyo Murrursade waxa ay codkooda siinayaan Cabdikariim X. Guuleed ayaa la saadallinayaa balse Raxanweyn iyo 0.5 haddii ay ku biiraan Xulufada Sh. Shariif, culayskooda ayaa ay leeyihiin. Dir ma dhisi doonnaan Hilow? Waa wakhtigii ku habboonnaa.


Indhaha caalamka oo dhan waxa ay eegayaan M.ne Kheyrre, maku dhiiran doonaa in uu tartamo? Waa xilli dambe iyo khibraddiisa u janjeedha dhanka jaranjarta "hierarchy" ayaa dabraysa ayaa la leeyahay odayga.


Tageerayaasha M.ne Kheyrre wali kama ay quusan Ra'isal Wasaaraha in ay ku qanciyaan calafkiisa in uu qaado.


Hargaysa


Kulmiye kala caddaa! Xaashi wakhtigisii Kulmiye soo yaraa! Indhaha khuburada siyaasadda Somaliland, waxa ay eegayaan Dr. Cirro tallaabada uu kaga falcelin doono shirka Kulmiye iyo shirka Burco loo fadhiyo15ka Maarso.

Vive La Politique

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...