Madaxtooyada Puntland Oo Sharaxaad Ka Bixisay Shirka Wada Tashiga Ah Ee Bishan Qabsoomaya

0
Wednesday March 11, 2020 - 15:04:55 in News by
  • Visits: 1556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Puntland Oo Sharaxaad Ka Bixisay Shirka Wada Tashiga Ah Ee Bishan Qabsoomaya

    Madaxtooyada Puntland Oo Sharaxaad Ka Bixisay Shirka Wada Tashiga Ah Ee Bishan Qabsoomaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Puntland Oo Sharaxaad Ka Bixisay Shirka Wada Tashiga Ah Ee Bishan Qabsoomaya


Garoowe(HWN):-Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani, ayaa sharaxaya ujeedada shirka Wadatashi ee Puntland 15 bishan uga furamaya Garoowe.

Image result for Siciid deni


"Markii uu dalku burburay dadka Gobolada Puntland waxay isugu yimaadeen kulamo iyo shirar kala danbeeyay, rag iyo dumar ayaa shaqeeyey habeeno iyo maalmo, u samray culeysyadii jiray xiligaasi si shirweynihii Puntland u hirgalo, ugu danbeyna waxay natiijadu noqotay dhismaha Puntland oo maanta ah hormuudka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Shirka wadatashiga Puntland ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waa fursad dahabi ah oo ay heleen dadweynaha Puntland, Shalay talo ayaa lagu dhisay Puntland, talo ayaa lagu waday, maantana talo ayeey uga gudbeysa marxalad kasta.


Hoggaamiyeyaasha wanaagsan oo keliya ayaa u ogolaada wadatashi dadweynaha, waayo waxaa badan inta aan fursad talo-bixin dadkooda siin oo jecel rabitaankooda in ay wax ku go’aamiyaan. Sidaasi darteed wadatashi wuxuu marwalbo noqdaa mid miro-wanaagsan dhala.


Ma garan karo sabab looga soo horjeesan karo ma eed loogu yeeli karo Wadatashi ay isugu imanayaan Dadweyne iyo Madaxdooda, waxa aadan sameyn Karin hadii qofkale awoodo mahan in ay ku damaqdo, ama aad u raadiso eed iyo dhalliil! wax wanaagsan haduu yahay waxay ku qurux-badantahay in aad ugu hambalyeeyso oo weliba isku daydo inaa uga dayato.


Madaxweyne Deni fursada watashiga Puntland kuma koobin Masuuliyiinta Puntland xilka ka haya oo keliya, Balse waxaa sidoo kale dadka wadatashiga loogu yeeray qeyb ka ah Masuuliyiinta Puntland ku metela Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo muujineysa in uusan shirku aheyn mid dad-gaar ah , balse uu yahay Shir-weyne reer Puntland oo qofkasta oo masuuliyad ku metela dadweynaha Puntland looga baahanyahay inuu kasoo qeybgalo.


Waxaan u arkaa qofkasta oo reer Puntland ah inuu maanta haysto fursad taariikhiya oo uu door ugu yeesho, ka shaqeeyo , garab istaago ama uu goobjoog uga noqdo Shirweyne Wadatashi oo dadweynaha Puntland iyo Madaxdoodu isugu yimaadeen.

Loading...
Loading...