Eedayntii Shalay Ee Boobka Dalka: Xukunkii Diin-gurteyaasha + Quraacda Saaka Ee Hudheelka

0
Wednesday March 11, 2020 - 13:02:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eedayntii Shalay Ee Boobka Dalka: Xukunkii Diin-gurteyaasha + Quraacda Saaka Ee Hudheelka

    Wasaaradda Horumarinta Deegaanka iyo Duurjoogtu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Horumarinta Deegaanka iyo Duurjoogtu
waxa ay hore u dacwaysay muwaaddiniin gurtay xayawaanka diinka, sannado ayaa lagu xukumay. Shalay waxa ay goobjoog ka ahaayeen nin Masri ah oo fadhataystay Caasha-badhidii dalka.

Waxa ayaandarro in ninkii tuugada iyo dhaca ku eedaysnaa uu saaka saraakiil ciidanka booliska ah kala quraacanayo Yemen Al-Said Cafeteria oo Wasaaradda Cayaaraha u dheggan ama ku taalla ka soo Horjeedka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha. Meesha la fadhiyaa waa fagaare, mana qarsoona. Waxa ii muuqda ifafaale sii-deyn ah.In la sii nabadgelyaynayo ayaan u fahmay. Si fiican u fiiriya sawirka iyo cidda uu la fadhiyo.



Haddii muwaaddininta lagu dhaadhiciyo wax ka fudud nabaad-guurinta ninkani ku eedaysnaa, hudheellada loo quraac, qado iyo casho geeyo, marka dambena diyaarad la saaro, sharcigu ma taagyaraha oo qudha ayuu qabanayaa?. Iyada oo waxa nalagu xidhaa ay hadal iyo been-abuur uun ahayd, haddii subax qudha aan iskay sidan oo kale meel uga quraacan lahaa ma ciil baan qabi lahaa?


Subaxda aan rikoodh-jebiska ahay, waa marka aannu aniga iyo askarta ilaalada ah ee maxkamadda ii qaaddaa ku nasanno maqaaxiyaha u dhaw xeer-ilaalinta, annaga soo sugaynna gaadhigii na qaadi lahaa ama maxaabiis gudaha ku jirta, ee aannu halkaas beer iyo wax ka cunno.. Haddii kalena aniga oo jeebbaysan ayaa Xero-guusha maxaabiista lagu ururiyo ama shabaggaba ku dhex jira ayaa quraacda la ii keeni jiray.


Sidani ma xadhig baa mise waa faakahaysi iyo laydhsi

 

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...