Dekadii Berbera Ka Digorogotay Itoobiya.
Hadaba Dalka itoobiya oo ah Dal aan bad lahayn ayaa dhowr goor oo ay aqoon isweydaarsi iyo wada tashi iskugu yimaadeen xukuumada itoobiya, aqoonyahan iyo ganacsatada Dalka itoobiya ay ku gorfeynayaan siddii ay u heli lahaayeen deked ay iyagu maal gashadaan oo ay iyagu maamushaan sidda DP World oo kale in siddii loo heli lahaa falawgeed la qabto, Siddoo kale wasiirada Gaadiidka ee Dalka itoobiya Dagmawit Moges ayaa sheegtay in mudo uu qorshe meel u yaalay, kaas oo ahaa siddii mudo 10 sanadood gudahood ah loo hirgelin lahaa deked ay itoobiya ku yeelato mid kamid ah dalalka u dhoy,taas oo loo adeegsan doono ganacsi iyo saldhig ciidamo badeed, Siddoo kale warar laga soo xigtay masuuliyiin sarsare ee dalka Itoobiya ayaa tibaaxaayey in dalal dhowr ah oo ay ku jirto Somaliland in aanay ku qanacsanayn maal gashi inay la yeeshaan, iyaga oo wadanba wax ku sababeeyey, ta Somaliland sabab uga dhigay in xubno caalami ahi kula taliyeen in hogaanka sare aanay waxba ku ahayn Waxaad lagashaan in lagu wacad furo sidday sheegeen inay usoo joogeen.
Sikastaba ha ahaatee waxay ahayd bishii hore markii uu wasiirka Maaliyadda ee dalka Itoobiya Mudane Axmed Shide,uu socdaalka ku yimi Somaliland kaas oo socdaalkiisu daarnaa in uu war geliyo in itoobiya kalaabatay mashruucii Berbera ee saamiga 19% ay hore u saxeexeen oo ay si buuxda u hakiyeen una joojiyeen hawsha ka socota arinkaa waxay kaga lug lahaayeen. Siddoo kale raysal wasaaraha itoobiya ayaa socdaalkiisii uu ku tegay Dalka imaarradka ayey soo wada hadleen shirkadii DP World uuna u bayaamiyey in itoobiya ahaan ay ka noqodeen mashruucii Berbera,
Dhanka kale Dalka itoobiya ayaa waxay iskugu biyo shubatay inay deked cusub ka bineestaan Dalka Suudaan, dekedaas lafteedana ay ka dhoofin doonaan saliida Dalka itoobiya.
Hadal iyo dhamaan haday Itoobiya ka Digorogotay Dekadii Berbera maxay Xukuumadu Dadka ugu sheegi weyday?
Illaahay baa Mahad leh
Midnimana Somaliland
Fuad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!