Gaal Calool Nugulaa ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday March 11, 2020 - 11:22:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaal Calool Nugulaa ( Abdi-Shotaly).

    Xikmad baa wxay ahayd "Aduun-yadda nin noolaw maxaa aragti kuu laaban,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xikmad baa wxay ahayd "Aduun-yadda nin noolaw maxaa aragti kuu laaban,
ishaan caawa leeyahay iyo maxaa aadmi kala haysta" Waxan la yaabay, oo i mari waayey, wax aan ku sheego-na aan garan la'ahay, kuwo habeenkii Axaddii Magaaladda London ( Caasimadda UK), Intay yidhaaheen Ummadda reer Somaliland wax baan ugu baaqaynaa, dabeed isla meel soo taagay, waxanu u halgamaynaa wax ay ku sheegeen " Midnimo Somali-Weyn" Ilawsho dhawaa ma umul baa? Waxay ahayd in ay is weydiiyaan horta ma jirtaa Wax la yidhaaho magaca ay ku andacoo-nayaan? Jawaabtu waa maya, Kuwa ay leeyihiin waan ku biiraynaa, qaar jira horta ma yihiin? Iyakii baa kun maamul u kala fadhiyee, oo qaar ay u galeen Kiiniya, ee xagee bay ka jirtaa? Miyaanay ogayn oo la socon-ba? Mise way iska dhego tirayaan wixii lagu sameeyey? Waraabe adhi uma geysto wixii la idiinku falay, hadana weli waad ku ogosha-hiin, oo aad kula socotaan dabar go'ii idin soo gaadhay iyo siddii la idiin galay ee la mid ahaa, habartii digadda adhiga intay xeradii ka xaadhay debedda ku daadisay. Halkee baad ka dhoy la'dihiin, nin baa waxa laga hayaa " Hashu maan-kayga gadaye, ma maansaar bay daaqday" Durbaba miyaad ilawdeen halkii ay ku baxeen geesiya-diinii" intii ku baabaday Xarshin, daroor iyo kaamamkii kaneeacdu idinku laysay? Horaase loo yidhi Isaaqu waa sidda soodhaha, oo marka la ruxo buu kacaa, markay xumbadu degto-na way fadiis-taan, ee tii baad ka rumayseen.

 

Murti baa iyana ahayd "Wax nin la tuur leh, baa nin la taoosane" wax kuma-aydin hadlin, mana garanaysaan waxaad doonay-saan iyo waxaad diidan tihiin, ambad baad tihiin waxoogaa loo tuuray, waxad kala saari la'dihiin " Mucaarid-nimadda wadani-madda ah iyo ka talinta baaba'iina, ilayn maanta baabad doon-doonaysaan "Wax aan jirin oo aad ula baxdeen " Midnimo". ku biyo caba tani dib dambe isugu soo noqon mayso'e, oo waxay ka dhigan tahay naf go'day oo dib u soo noolaataye. Wuxu yidhi (Ihun) Ibrahim gadhle "  Halkii qorigu kaa muday, mar labaad lug-taadiyo, cagtu yaanay kula marin" Ujeedau waxa weeye, Qofkii nabarkka ku gaadh-siiyey, iska jir oo yaanu mar kale hadana kugu dhufan, ee ka digtoonaw. idina waabad u baroora-naysaan ( Aduun-yooy xaalka be' saw maaha) Hadraawi baa isna laga hayaa "Horeyso-dambayso, Hog layga qaniinay, ku sii hirad-kiisa, ka haari ag-tiisa, ayaa ka hagaagsan" oo micna-heedu yahay, dib hawgu noqon halkii lagugu qalay. horaase loo yidhi " Gaal calool nugulaaye" Ma maantaad keen-teen midnimo baanu rabnaa iyo wax aan loo fadhiyin. Waxa aad ku xukuman tihiin dil iyo dacas-kiina oo lala wareego, Waa in aad bixisaan magtii geesi-yaddii ku shahiiday halgankii SNM iyo aduunkii ku baxay mood iyo nool-ba, khasaarihii ina soo gaadhay iyo xasuuqii xabaal wadareedka la idiinku gurey.

 

Nin kastaw hadal-kaaga calaamad ku dhigo, taariikh-du way ina kala sheegi doon-taaye.Anigu aan isu kiin cadeeyo mawqifka aan ka taaga-nahay hantaataca aad la shir timaadeen iyo lugoo-yadda horta leh ee aad doonaysaan, in mar kale ku celi-saan ummadda balan-balkii ay ka soo kabteen, ee uu firxad-keeddii qurbaha gaaladda wadhan yahay, ee ay ku dhacday dhaqan gedisku, diin la'aantu, caruur-toodu gaaladu ka qaaday, ee siddii dambas xaabo la shiday ku daatay badaha, kuna dhamaaday. inta dhimaty daayo, kuwa silsila-daha ku xidhan, ee aan geeri iyo nolol mid-na ahayn ma xasuusan kari waydeen.Anigu maamulka Hadda ka jira " Xaafad-tooyadda" Hargeysa baan ka soo hor jeeddaa, mana ogli oo waxan rabaa in aan khasab iskaga kiciyo, kaas oo aan ku dhaqmayn cadaalad, sinaan, wax wadda lahaansho, ee boobka hantidda ummadda ku qaybi-naaya, eex iyo kala sooca, cadaawadda inta gaar ah loo hayo, xoriyad-tul-qawl la'aanta, iyo saxaafadda la cabudhi-naayo, laakiin si toos ah baan uga soo hor jeedda waxad ku dhawaaq-deen ee aad ka baahi-seen Tv-yadda iyo war-baahinta. Mamaulkan askarta wakhti kaste ha igu qaatee, wixii nooli way ka takhalusi doonaan, oo waxa dib boodhka loogu hurgufi doonaa wadda jirkii ummadda, kuwaas oo meel uga soo wadda jeedda jiritaan-koodda, ta aan anigu u dagaalamayaa waa taas. Waxa la yidhi "Wax la waayey geelaw ninkii waalan baw duda'e" Inta cirku idiin jiro kun jeer laban-laab-keed bay idiin jirtaa midnimo, ee idinku waxoogaaga uu indiin soo tuuray, Ka mareexaan, iska biishadda, waa iga walaahi in aydaan Xamar na geyn karine.

 

* N.B Wax Nin La Toosan Baa Nin La Tuur Leh!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...