Doodda Kulmiye iyo Doorashada November.

0
Wednesday March 11, 2020 - 11:11:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Doodda Kulmiye iyo Doorashada November.

    Kulmiye iyo Kornaylka hormuudka u ah doodda ay u diyaarsadeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulmiye iyo Kornaylka hormuudka u ah doodda ay u diyaarsadeen
doorashada November waa dood reeraysan, oo gobolaysan, oo jabhadayssan. Dooddii Kulmiye waddanka oo dhan waa la mariyay, gobol-gobol iyo jifo-jifo ayaa loo maray, mid kastana wixii loola tegay sida kubadda ayaa uu uga soo booday. Inta aanan u gelin nooca ay ahayd, welina tahay doodda Kulmiye, horta aan wax yar ka iftiimiyo xaalka xisbiga lafftiisa. Marka koowaad, Kulmiye ma aha isku Kulmiye keliya ee waa kooxo kala duwan. Waa kooxo aan isla haysanin, laakiin magacaas oo keliyi ka dhexeeyo. Kulmiyaha Aamina-waris, islaamaheeda iyo wiilka inanta ka qaba waa Kulmiye gooni ah, oo iskii u gaardiyaaya. Iyaka xaalkoodu waa maalin iyo saacad tiris, wax aan ka ahayn xaabo iyo xansas urursi oo ay ku fikiraan, ama ka fikiraan mna maba jiro. Koox kale  waa Kulmiyaha Maxamuud Xaashi, waxaana hoos taga koox agaasimayaal ah oo tiro yar, waxaana weheliye dhawr wasiir oo si gooni ah ugu xidhan.


Maxamuud waxa uu gacan ku haystaa qalinkii Xirsi ka tegay oo khadkii ka dhamaaday, waxa uuna ku xoqayaa meel kasta oo xil leh. Waxa xinjirtiisii sii muuqataa xaalkii dekedda Berbera ee loo gawracay xaqul-qalinka. Xaashi iyo kooxdii u hormuudka u ahaa, ee sida adka u kakkan arinta dekedda ula xiimaayay, fikirkoodu waxa uu ahaa uun – bad iyo berri ba qaatta oo anaka wax uun noo dhiiba. Nin xiimaaya oo meeli u caddahay hubsasho iyo sharci ma yaqaanno, madxaa dan ah, iyo maxaa dan darro ah na ma yaqaano.


Sidas iyo sababtaas darted, ayaan maanta heshiiskaas cid wax kala socota, iyo wax lagu hehshiiyay toona cidi u garanaynin, gacan na ku haynin. Gacantaas uu qalinka ku haysto mooyee, midda kale na, dagaal sokeeye oo Kulmiye dhexdiisa ah, oo rasaastiisu na bilaa sanqadh tahay ayuu ku wadaa. Waa dagaal doonay in la so oaf meero marar badan, lakiin waa lo caal waayay. Haatan waxa lagu heshiiyay in aan waxba lagu heshiinin tabtii carabta oo kale.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...