Qarixii Ay Hindiya Ka Sameysay Hawada Sare Oo Laga Soo Saaray Qeylo Dhaan Cusub

0
Wednesday April 03, 2019 - 19:39:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarixii Ay Hindiya Ka Sameysay Hawada Sare Oo Laga Soo Saaray Qeylo Dhaan Cusub

    Hay'adda dalka Mareykanka u qaabilsan dhinaca hawada ee Nasa ayaa sheegtay in qarixii ay Hindiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda dalka Mareykanka u qaabilsan dhinaca hawada ee Nasa ayaa sheegtay in qarixii ay Hindiya

 ku sameysay satellite-keedii hawada sare uu yahay "ficil aad halis u ah" oo khatar ku noqon kara xarunta caalamiga ah ee howlaha hawada sare(ISS).


Madaxa hay'adda Nasa, Jim Bridenstine, ayaa sheegay in khatarta ku saabsan inay burburka walxaha ka dhashay qaraxaas ku dhacaan xarunta ISS ay kor ugu kacday 44%.



Halistan ayaa heerkaas ku gaartay muddo 10 maalmood ah oo kasoo wareegtay markii tijaabada ay sameeyeen ciidamada cirka ee dalka Hindiya.


Cabsi laga qabo howlgal ay Hindiya ka fulisay hawada sare, oo halis galin kara dunida

Shiinaha oo hawada u diray satellite isgaarsiinta mobileka


Hase ahaatee wuxuu Mr Bridenstine sheegay in xarunta caalamiga ah ee laga maamulo satellite-yada hawada sare ay wali amaan tahay.

"Wali xaruntu way nabad qabtaa, haddii aan u baahanno inaan badbaadinno waan ku dhaqaaqi doonnaa", ayuu yidhi.

Mareykanka ayaa ayaa horay qeylo dhaan ugasoo saaray dhibaato dunida kasoo wajihi karta tallaabada ay Hindiya qaadday.


Ku simaha wasiirka difaacada ee Mareykanka ayaa ka digay dhibaato ka dhalan karta tijaabadii ay Hindiya ku sameysay hubka lidka ku ah qalabka satellite-ka, kaasoo ay Arbacadii ku burburisay mid ka mid ah satellite-yadeeda.


Hindiya ayaa noqotay waddankii 4-aad ee tibaajo ku sameeyay awoodda gantaallada lagu qarxin karo qalabka satellite -ka ee hawada sare.


Dowladda Shiinaha ayaa cabsi noocan ah horay uga abuurtay dunida, ka dib markii ay tijaabo tan la mid ah sameysay sannadkii 2007-dii.

Mareykanka ayaa tijaabadiisa noocan ah sameeyay sannadkii 1959-kii.


Ra'iisul wasaare Narendra Modi ayaa howlgalka tijaabadaas, oo lagu magacaabay Mission Shakti, ku dhawaaqay 27-kii bishii Maarso, wuxuuna sheegay in tallaabadaas ay ku caddeeyeen in Hindiya ay tahay "awoodda ugu sarreysa ee dhinaca hawada sare".


Hase ahaatee, Dhawaaqa Mr Modi waxaa si weyn u cambaareeyay hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee dalka Hindiya, waxayna ku eedeeyeen in arrintan uu taageero uga raadinayo doorashada guud ee kusoo fool leh.


Shacabka Hindiya ayaa codbixinta doorashada u dareeri doona 11-ka bishan Abriil.


BBC.

Loading...
Loading...