Maxaa Hargaysa Ku Soo Dabbaali Kara Xayndaabka Jamhuuriyadda Soomaaliya?

0
Wednesday March 11, 2020 - 06:30:02 in Articles by A. Asbaro
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Hargaysa Ku Soo Dabbaali Kara Xayndaabka Jamhuuriyadda Soomaaliya?

    Mujtamaca ku nool ama ka soo jeeda Somaliland (SL) marka aad dhegaysato dareenkooda fal-celineed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujtamaca ku nool ama ka soo jeeda Somaliland (SL) marka aad dhegaysato dareenkooda fal-celineed

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Sideedaba dareenka runta ah ee bulsho waxa laga dhex helaa munaaqashada maalinleyda ah ee ka dhacda fagaarayaasha dad-weynahu ku kulmaan, siiba dareen celintooda ku aaddan arrimaha siyaasadda.


Mujtamaca ku nool ama ka soo jeeda Somaliland (SL) marka aad dhegaysato dareenkooda fal-celineed ee wada-hadallada Xamar iyo Hargeysa, waxa kaaga soo dhex-bixi dhawr mowqif oo dadku qabaan, qoraalkanna aan si kooban ugu falanqayn doono.

Mowqifka 1aad waa in Xamar ay garawsato gooni-isu-taagga Somaliland; taasoo ka dhigan, ama u dhacaysa, inta Xamar leedahay Somaliland annaga ayey na hoos timaadaa in aan wada-hadal bilaabmi karin. Jawaab-celinta mowqifkani waa in mowqifkani yahay xatabad laga soo gudbay, ka dib markii sannadkii 2012 madaxweyne Siilaanyo ku qanciyey dhammaan haya’adaha dasatuuriga ah ee Somaliland inay bilaa shuruud wada-hadal ula billaabaan Xamar.
Image result for Shacabka Somaliland

Kulankii London ee 2012, waxa kale oo uu markhaati u noqday, in Xamar iyana dhinaceeda, yaqiinsatay in Somaliland aysan toos u hoos iman iyada, laakiin keliya ay haysato ictiraafka caalamiga ee dhulka Somaliland (de jure recognition).

Mowqifka 2aad ee dadweynaha Somaliland laga maqlaa waa in aysan Hargeysi wada-hadal la furin Xamar, ilaa inta dawladda Xamar hananayso koonfur. Ama haddii si kale loo dhigo: ilaa inta koonfur ay ka soo baxayso dawlad la isku raacsan yahay, nabad ah, shaqaynaysa, toosna loo soo doortay. Waa mowqifkii uu taagnaan jirey m/weyne Rayaale Kaahin.

Jawaabta mowqifkan kore la siin karaa waa tii mowqifka 1aad: waa laga soo gudbay marxaladaas, ka dib markii Somaliland aqbashay in la furo wadahadal, dhawr jeerna la wada kulmay. Ilaa haddana dawldda Md Biixi ma diidana in la wada-hadlo, in kastoo mararka qaar tashuush badan iyo labac-labac ka muuqdo.

Mowqifka 3aad ee shacabka Somaliland laga maqlaa waa in Xamar dusha u ridato xasuuqii ka dhacay waqooyiga dalka sannadihii (1988-1991). Waa mowqif ku waajahan dawlad kasta oo dhaxasha qarankii Soomaaliyeed, una tilmaamaya inay xambaarato falalkii ay geysteen dawladihii ka horeeyey. Haddii DF Soomaaliya ay oggolaatay inay bixiso deyntii (5.3 billion dollars) ay dawladdii Siyaad Barre qaadatay, maxaa u diidaya inay dhaydo wixii jawr-fal iyo dhib ah ah ee lagu fuliyay magacii dawladdii Somaaliyeed?

Mowqifka 4aad oo dadku cabbiraan isna waa in Xamar la gole timaado sidii dadka Somaliland ay faleen 1dii Julay 1960 (israacii Somaliland iyo Soomaaliya), taas oo ah in berigaas Xamar qaadatay M/weynihii, R/wasaarihii, daakhiliga, khaarajiga, maaliyadda iyo caasimaddii. Waxa uu macnahu u dhacayaa, haddii Xamar daacad ka tahay midnimada, aanay ka ahayn keliya afka baarkiisa, ha huraan mansabyadii aanu bixinay 1960ki oo kale. Garo oo waa carin lagu calool baadhayo daacadnimada runta ah ee Xamar u qabto hilow midnimo.

Haddii aynu falanqayn kooban ka bixino mowqifyadaas kale duwan ee kor lagu xusay, waxa ay warqaddani qabtaa in mowqifyada 1aad iyo 2aad ba ay yihiin shuruudo ay wada-hadaladii hore ee labada dhinac meesha ka saareen, dibna loogu noqon karin. Laakiin mowqifyada 3aad iyo 4aad waxay u dhacayaan inay yihiin go’aano ku habboon in ay wada-hadalada ka soo baxaan (outcomes).

Tusaale ahaan, mowqifka 3aad oo ah qaadashada Xamar ee masuuliyadda xasuuqii Waqooyiga waddanka ka dhacay sannadihii 1988- 91, waa arrin daawo u ah in aan mar dambe falalkaas oo kale cidna dib ugu dhicin. Ka garaabid iyo cafin keliya kuma filna, waxa loo baahan in ay noqoto dhacdo ku suntan xasuus-wadaagta (collective memory) dadka Soomaaliyeed oodhan.

Hase yeeshee mowqifka 4aad, in Xamar hortu wixii ay hureen shacabka Somaliland 1960kii, waxa aan qabaa in ay Xamar ku adag tahay midkaasi. Waxay u eg-tahay sidii labo qof oo jar ama shax wada dheelaya oo mid ku yiraa kan kale: war licbaddii hore ee cayaarta waan kuu ilduufee, adiguna markan ii ilduuf. Taas macnaheedu ma aha in aanay Xamar tanaasul samayn. Waa in ay samaysaa oo bursi badan siisaa Hargeysa intii maangal ah.

Ogow shacabka waqoooyi danni/shaki badan buu ka qabaa hilawga iyo daacadnimada budh- tuurka (elite-ka) koonfurta. Aaminka (trust) ay shacabka waqooyi ku qabaan Xamar wuu hooseeya, waana in kor loo soo dhisaa.

Haddii-ba, hadda, tusaale ahaan, Xamar qaadato oo ka soo baxdo shuruudaha aan soo naaqishnay, talow budh-tuurka (elite-ka) hadda SL hogaamiyaa ma aqbalayaan, oo ma ku soo dabaalmayaan xayndaabkii jamhuuriyah Somaaliyah? Runtii, shaki weyn baa igaga jira. Hoos baan ku sharxi sababta.

29kii sanadood ee Somaliland ay jirtay waxa samaysmay xoogag dano gaar ah (vested interest) ku leh gooni-isu-taagga – macnihii ka madaxbanaanshiiyaha Xamar. Xoogaggaas oo ka yimaadda: gancsatada, siyaasiyiinta, warbaahinta, ciidamada, shaqaalaha dawladda, iyo ururada samafalka maxaliga ah. Xoogaggan ayaa muddo dheer iyagu dhigayey duruusta siyaasadeed ee maalin kasta bushada Somaliland naaqishto. Dabeetana waxay sidaa ku abuureen ra’yul caam dadweyne oo mitid ah.

Xoogaggani waxa ay isku qanciyeen in awooddooda siyaasadeed (political power) ay hoos u dhacayso marka Xamar wax u kordhaan ba. Markii ugu horaysay ee dawladda Xamar caalamku aqoonsaday, meel-ku-gaarkii-ka baxday, kadib doorashadii M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayey Hargeysa furtay wada-hadalkii. Taas oo ay ujeedadedu ahayd in ay la dhuuqaan Xamar lacagta iskaashiga caalamiga ah ee soo ibo furmaysay markaas. Xataa waxa ay gaareen heer uu M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud ka talo-geliyo magacaabista wasiirada ka soo jeeda beesha Isaaq. Ujeedadoodu marna ma ahayn ku guryo noqoshada xayndaabkii jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxa kale oo uu maamulka Hargeysa ka dheefay heshiisyadaas ay la galeen Xamar sannadihii 2012-16: in beesha caalamku qaarkood toos ula macaamisho sida sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF), iskaashiga saddexanka (troika) ee caawimada caalimiga ah ee ka dhexeeya Hargeysa, Garoowe iyo Xamar iyo heshiisyadii militari iyo dekadeed ee ay la galeen Imaaraatka. maamulka Hargeysa way ballaarsatay awoodaheedii.

Sida caadiga ah qofna awood xukun (political power) u haysto ma sii daayo, in uu sii kordhiyo mooyee. Haddaba waa in maamulka Hargeysa ka dhex aragto danaheeda Xamar, iyadoo isla awoodoodii gudaha Somaliland aysan waxba u dhinmin. Ama haddii si kale loo yiraa su’aalaha taagani waa: Xamar diyaar ma u tahay in ay maamulka Hargeysa miiska u saarto awoodo dheeri ah oo ay ku beddelan karto awoodaha xukun ee hadda gacanta ugu jira? Dhanka kale-na, Hargeysa diyaar ma u tahay inay ku soo rogaal noqoto xayndaabka jamhuuriyadda Soomaaliya?

Haddii jawaabta labadan su’aalood ba "HAA” noqdaan, sahal weeye qancintu dadweynuhu, sidii m/weyne Silanyo ba hore ugu qanciyey shacabka SL bilawgii wada-hadalka. Inshallahu khayr.

Wa Bilaahi towfiiq
Maxamuud Cabdillahi Axmed, London,UK

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...