Wiil Uu Dhalay Qaddafi Oo U Tartamaya Madaxtinimada Dalka Liibiya.
Tripoli(HWN):-Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Col Muammar Gaddafi ayaa qorshaynaya inuu u tartamo xilka madaxweynenimo ee dalkaasi.
Wiilkan oo lagu magacaabo Saif Al-Islam Gaddafi oo lagu eedaynayo inuu sameeyey tacadiyo ka dhan ah bani aadamnimada mudadii uu talada dalka Liibiya hayey aabihii ayaa haatan doonaya inuu ka qayb galo tartanka madaxtinimada dalka Liibiya doorashada la qorshaynayo inay dhacdo sanadkan.
Musharaxnimada Saif Al-Islam Gaddafi ayaa waxa si rasmi ah u shaaciyey xisbiga Libyan Popular Front Pary ka dib markii ay shirk u yeesheen magaalada Tunis.
Khaled Guel ayaa u sheegay jariirada Al-Araby Al-jadeed in haatan loo baahan yahay in Liibiya ay iska dhaafto qaybsanaanta.
Sidoo kale waxa uu ka waramay xaalada bani aadamnimada ee wadanka Liibiya waxaanu yidhi "Xaalada bani aadamnimo ee haatan jirtaa waa mid aad u daran, halka loo socdaana ma cada sidaas darteed dad badan oo Liibiyaan ahi waxay aaminsan yihiin in dariiqa kaliya ee dalka lagu badbaadin karaa uu yahay in la doorto Saif Al-Islam Gaddafi.