Runtii Waa La dilay ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday March 10, 2020 - 09:19:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 4
  • Share via Social Media

    Runtii Waa La dilay ( Abdi-Shotaly).

    Majaajilo uu sameeyey jilaaga weyn ee la yidhaaho "Sooraan" Baa si wacan oo aad u qurux

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Majaajilo uu sameeyey jilaaga weyn ee la yidhaaho "Sooraan" Baa si wacan oo aad u qurux
badan ugu sawiray majaajilo, wax-yaalaha hadda ka socdda dhulkii aynu u dhalanay, isaga oo far waaweyn inoogu qorey si aanu qof-na u odhan muxuu ka hadlayaa?. Aan kuu bilaabo riwayada'e u soo fadhiiso. Maalin ayaamaha ka mid ah, baa waxa la arkay isaga oo dhakhar hor fadhiya, labadda dhaban haysta, amakaagsan, ka bacdi waxa la su'aalay  "Waar saaka waa sidee xaal-kaagu caadi ma tihide? Wuxu ku jawaabay "Waan yaaba-nahay!" Maxaa ku keenay dhakhtarka ee kaa soo galay? Wuxu ku jawaabay misana " Runtii baa la dilay" Oo waa dhaawac, naftii baana ka sii khiikh leh, oo aan ilaali-nayaa, fili-maayo in ay ladnaato, oo waaba ay dhuun yeedhi-naysaa, waa in aan kafantii iyo naxash u soo diyaar-gareeyo, u malayn maayo inantii runta la odhan jiray, in aynu dib u arki doono. Akhristaw dabeed waxa la weydiiyey " Yaa dilay ee lagu sababay" Wuxu ku jawaabay " Been baa madaxa laba ka kala dhigtay" Siday uga kacdaana way adag tahay, hadana waxa la su'aalay, Maxaa u geeyey ee ay ku dishay inkaari ha ku dhacdee? Waxay ka soo sheegeen kuwii waraystay buu yudhi " Geed aan ka gallo baan waayey bay tidhi beeni" Oo raad-kayga uun bay guraysaa. Waxa lagu Celiyey weydiin kale oo ah, Sooraanaw kee baa gar daran? Waa su'aal yaab leh, oo jawaab uma hayo, kaakiin waxan idiin sheegayaa, Maxakamaddii laysku geeyey, waxay ku gar qaaday " Runtaa gar daran" ee ha la qabsato wacyiga dalka ka jira, edeb dara-daasi waa waxa lagu dilaye, weliba wuxu intaas sii raaciyey, beri hore oo la soo dhaafay, bay runtu wax tari jirtay, ee bal ummad yahay " Ma anaa khaldan? Mise Sharciga ay Maxakamadu wax ku xukuntay? Ugu dambayn waxay tidhi runi, anigu dalkan kuma sii noolaan karo, waayo run mooyee, weligay may i soo marin been, la leeyahay iyadaa sax ah, oo run baa khaldan. Ee aan meel kale uga guuro, mar haddii run baad sheegaty inta laygu dillo, laygu xidhaayo yaa kuu dirtay, ee ku yidhi beenta daba-gal, oo ay Maxakamadu been i dishay ii xukumayso. Waxan hadaba u soo qaatay qisadan oo igu kelifay, Abwaan Sooraan (Alle ha daayee) Waa khabiir si dadban shicibka ugu fasilaaya arimaha socdda, ee bal iyana ku soo dhawaadda maansadan yar ee aan saaka falkiyey, oo iyana wax idiin tibaaxi doonta:-


(1) Qabyo waa hal-keeddii,Qalbi laba dan-laa jira
(2) Qawl beena baa jira.Qalin laba af-laa jira,
(3) Qalad iyo saxaba qora,Oo lagu qadhaab-taa,
(4) Qolqo-ladda ka buuxoo.Qaar gaara saacidda.
(5) Qari-naayo aniguye,Bal ku quusta maantana,
Qoladeena maahee, kaas baan qareen nahay,
Qiilka hoose weeyoo, sharci-goodu qorayaa.
(6) Wixii ay qarinayeen, Intuu Eebbe qaawiyey,
(7) Qudhun-kay dedaayeen,Qaylo dhaantu yeedhoo, 
(8) Qiil banaan ay waayeen,Qaylo dhaantu ka yeedhoo.
(9) Caalamkii qawada'oo,Askartii ka quusatay,
(10) Qumba-caad daraaddii,Qufac ay ku waasheen,
Qoladeena maahee, kaas baan qareen nahay,
Qiilka hoose weeyoo, sharci-goodu qorayaa.
(11) Labaddi qal-dhebayoo.Ciiro laysku qariyiyo.
(12) Beentii la qubayiyo,Qadhiidhkii la cunayiyo, 
(13) Qaxwe aan la haynoo,Qasanaddii dhamaatoo,
(14) Dadkii kala qaxeeno,Qolo-qolo u kala baxa,
(15) Inba qoor u guurtoo,Qooraansi mooyee,
Qoladeena maahee, kaas baan qareen nahay,
Qiilka hoose weeyoo, sharci-goodu qorayaa.
(16) Lays qaraarin-mayno.Qadayeey ay yeedhoo,
(17 Waa kaas qumbii jabay,Laga qariyey ummadoo,
(18) Ku qafilantay Jeegaan.Qaloocii ay eedeen,
(19) Qaadir mahadi weeye,Waa kuwaa ilmadda qubay.
(20) Askartii qudh-muunayd,Qoomkay wateen iyo,
Qoladeena maahee, kaas baan qareen nahay,
Qiilka hoose weeyoo, sharci-goodu qorayaa.
(21) Intii qanjidhka cuni jirey.Qadooday ku seexdaan,
(22) Qulub bay ku nool yiin.Qajeel wixii la raqi jirey,
(23) Qadhaadh kay calaasheen, Carabkii Qubuu yidhi,
(24) Qandhaa beerka jiifto.Qaaxay ka qaadeen,
(25) Quruskii agoontoo,Qaadiro ma seexdaan,
Qoladeena maahee, kaas baan qareen nahay,
Qiilka hoose weeyoo, sharci-goodu qorayaa.
(26) Hadda qaanac weeyaan,Waxay quuda-yaan Weli.
(27) In qudha-ba lagaa jaro,Qabri kugu ad-keeyaan.
(28) Waa qarandi milan-taye,Waxad quusan doontaa.
(29) Qalfoof-kaaga maydka ah,Marka bahal qadaynin.
(30) Ku quraacdo subixii,Qabri lagugu hoos rido.
Qoladeena maahee, kaas baan qareen nahay,
Qiilka hoose weeyoo, sharci-goodu qorayaa.

Hadba Muwaadin " Iyaba waa tabaaladda wakhtiga taynu aragnaaye, buu yidhi Xaaji Aadan Af-qalooce (Ihun) " Waxan ku soo xidhay maqaalkan iyo maansadan is barkan. Illaah haw naxariisto'e Abwaan Ahmed Ismaaciil Diiriye " Qaasim" Baa murti-diisii qaaliga ahayd, waxa ka mid ahaa " Wax la yidhi gujaa lagu lisaa, labadda gooroode, gol-qaniina waa loogu daray, yaanay gaagixine, wax la yidhi Gumude naasihii, giigsa-naan jireye, Googooye iyo wiil xun baa, gaawahaw sida'e, gobaad waxay la daaqdaa sagaal, gorayo cawleede" Waa iska sidaas oo waxa malayaa, wiil-kaas xun ee naasaha jar-jaraye. Waxan u sheegi lahaa "Abwaan Sooraan" Waad ku mahadsan tahay, sidaad dadka halka xaalku maraayo aad ugu sarifayso, balse ogaw Runtii weli may dhiman oo dhatar bay taalaa baad tidhiye, oo adaaba u cid ahe, Somaliland cid dhakhtar geysata ma haysato, oo way sakaraad dhaaftay, ee bal iyadana Naxash iyo kafan u doon, xagii dambe waa mayd hadda, ee madaxa bay kaga sii hadhay naf-tiiye.
* N.B Googooye iyo Wiil Xun Baa Gaawahaw sida'e!
Qore :- Abdi-Shotaly

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...