Dhacdadii Khamiistii.....W/Q Xamse Cumar Ku Joog

0
Monday March 09, 2020 - 13:38:36 in Articles by
  • Visits: 2248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdadii Khamiistii.....W/Q Xamse Cumar Ku Joog

    Dhacdadii Khamiistii.....W/Q Xamse Cumar Ku Joog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdadii Khamiistii.....W/Q Xamse Cumar Ku Joog


Galabnimadii aniga oo shaqo ka baxay, daal xoogaa ahna dareemaya ayaa waxa ila soo hadlay walaalkay oo xafiis dawladeed oo ka mid ah xafiisyada adeegyada bulshada bixiya hawli kaga jirtay. Kolkii aan u tagay aniga oo yar dhibsanaya ayay hawshii dheeraatay waxana ay nala gaadhay ilaa salaaddii maqrib.




Waxa aan soo galay Masaajid xaruntaas ku dhex yaallay, waxa la sugayaa aqiimkii, waxa dhanka bidix kasoo kacay nin aad u jimidh yar, waxa uu xidhan yahay shaadh cas, surwaal buluug ah iyo koodh madaw xiga, dharka oo baaliyoobay, meelo dhawr ahna tolliinka loo gaystay ka muuqdo waxa u dheer diif guudkiisa ka muuqata, timo aad u jilicsan oo biyihii waysadu nabeen ayaa madaxiisa ku teedsan.


Waxba yaan hadal kugu daaline waa kan aqiimay, kaddib dadkii inta uu soo eegay ayuu dhinac kasta indhaha u qaybiyay isagoo leh yaa inna tujinaya, wax la is eegaba nin askari ah ayaa yidhi adiguba na tuji, isna wuu ka gaws adaygay, dad aan ku jiray ayaa islahaa tolow ma gashaan miskiinkan ummadda haku sii daynina'e se may noqon, isku celcelin badan isagii ayaa salaaddii galay.


Kurtinoow ma waxaan ku mooday? Ma waxaad noqotay? Mise waxa aan loo noqon doonin?. Ninkii faataxada kolkii uu bilaabay ayaan fajac iyo yaab galay, codka hallaasiga ah iyo dhuunta dananaysa ayaa I yaab geliyay, Aamiin tii kaddib waxa uu bilaabay suuradda Aala Cimraan, subaxaanaka yaa cadiim, Xusari, Manshaawi iyo rag waawayn oo adduunka Qur'aan kasoo akhriyay ayuu halkoodii dhigay, bog iyo badh uu labadii rakcadood akhriyay ayaan qawaday oo muu sii wado ayaan islahaa, waxa aan si gaar ah uga murugooday in aan mar geli gaadhay mixraabka oo codkaas iyo Qur'aan kaas nool ee aan maqlay uu i dhaafi gaadhay.


Casharka aan Masjidka kala soo baxay waxa uu ahaa qiimaynteennu inta badan waa waxa muuqda, se inta qarsoon ee Ilaahay og yahay ayaa badan. Immisa ayaa dharkoodu iska rifrifan yahay se Ilaahay agtiisa ku wayn.

War caddaaday.
Xamse Cumar Kujoog

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...