M/weynaha iyo Teamkiisa oo Kaliya ayay Hawshaas u xilsaareen Golayaasheenu!!

0
Monday March 09, 2020 - 13:34:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M/weynaha iyo Teamkiisa oo Kaliya ayay Hawshaas u xilsaareen Golayaasheenu!!

    Ra'yi wuu qabi karaa qofku, laakiin waa qalad siyaasadeed iyo sharci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'yi wuu qabi karaa qofku, laakiin waa qalad siyaasadeed iyo sharci
darro in uu qof reer Somaliland ahi isu xilsaaro oo yidhaa midnimada Somaliya iyo Somaliland baan ka shaqaynayaa ama sida aynu u kala guranayno iyo marxaladaheeda ba.

 

Dhinac kale, ma aha mawduucani mid qof activist ah ama koox Civil Society ah ka shaqayn karto ama loo ogolaan karo; dabeecaddiisa ayaan ahayn, maxaa yeelay waa masiir ummadeed; mana aha ugub dariiqa loo maraa ee waa curad; looma baahna in aynu dib u ikhtiraacno tareenka sida ay yidhaahdaan.

 

Golayaasha Qaranku ama Barlamaanku M/weynaha iyo xukuumaddiisa oo kaliya ayay illaa immika u fasaxeen in uu wadahadal la gali karo Somaliya; cid kale oo odhan karta hawlahaas in la kala tago iyo in la midoobo Somalia ayaan ka ka shaqaynayaa ma jirti karto; qofka sidaa sameeyana waxa lagu soo eedayn karaa danbi wayn oo ciqaab wayni ka dhalan karto!

 

Marxaladaha danbe ayaa laga yaabaa in la gaadho in dadku mujistaan ra'yigooda; waxa la gaadhi karaa illaa afti in laga qaado dadwaynaha; laakiin waxaas oo dhami waxay ka soo baxayaan wadahadalada iyo maraaxilka ay kolba marayaan.

 

Haddii loo baahdo muxaadaro dhan baan ka qaban karaa arrinkan; waar hooy ma aha dawladnimadu sida moodaysaan ee jooga ayaan leeyahay dad badan oo aanay u bilawnayn ama wax bawsaday!!

 

Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

W/Q: Prof-Abdi Ali Jama


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...