Midnimo Danbe ? W/Q: Ex. Wasiir Kaysar Maxamed

0
Monday March 09, 2020 - 12:49:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midnimo Danbe ? W/Q: Ex. Wasiir Kaysar Maxamed

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum

Aniga oo Sharaf iyo Qadarinba u haya Mudane Qoraa Maxamed Baashe Xasan, sidoo kalana aaminsan xornimada fikirka iyo mabaadi’da ah in qofku xaq u leeyahay cabiraada ra'yigiisa, ayaan jeclaysay inaan erayo yar ka idhaa aragatidan Soomaali-weyn doonka ah.



Horta Soomali-Weyn waa Tuma?

Gobanimadii Lixdankii, Lix iyo labaatankii June 1960 ee ay reer Somaliland heleen waxay si daacadnimo ah ugu hadyeeyeen uguna galbiyeen Koonfur iyaga oo doonayay isu keenida iyo middaynta Ummadii Soomaaliyeed ee geeska Afrika ku noolayd, nasiib darro waxay talaabadaas ay qaadeen iyo niyad wanaagoodii ay ka dhaxleen oo ay u dhashay Taariikh aad u qadhaadh una madow oo ay Maalmaheedu Geeri ahaayeen, Todobaadyadeeduna ay dhiillo iyo murugo ahaayeen, Bilaheedu ay dhiig qubanaya iyo dhaawac ahaayeen, Sanadaheeduna ay Dhimasho iyo Burbur ahaayeen, waa Taariikho madow oo jiilba uu jiilka danbe u gudbin doono si ay u xasuusnaadaan dhaxalkii ay ka heleen Midnimadan dhalaan habaabista ah ee imika loo durbaan tumayo.


Dhamac kulul oo loo maray Iyo dhiig loo qubay ka dib ayaa ummada reer Somaliland uu mar kale Allah ku guuleeyay inay madaxbanaanidii ay lumiyeen ay dib ula soo noqdaan awood buuxdana ay maanta u leeyihiin inay Naf iyo Maalba ku difaacdaan xuduudahooda dhuleed, badeed iyo cireedba isla markaasna ay dhisteen Dawladnimo jirrido adag ku taagan oo aan si sahlan Loo ruxi karin, loona hadidi karin Af iyo Addin toona oo leh awood Sharci, Dhaqaale iyo Millatari oo ay ku ilaashato Qaranimadeeda.


Ceeb uma arko in la dhaliilo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ee maanta gacanta ku haysa talada Dalka Somaliland, waa mid ay muwaadiniintu xaq u leedahay, dawlad kastana waa la dhaliilaa, aniga laftaydu waan qirsanahay in ay dhaliilo jiraan, hadana taas macnaheedu maaha in laga gudbo seesaska ay ummada reer Somaliland dhigatay, lana nashuushadeeyo Madaxbanaanida Somaliland oo ay dadweynaha reer Somaliland ogsoon yihiin dariiqii dheeraa ee dhiigga lahaa ee ay usoo mareen dib ula soo noqoshada Madaxbanaanidoodii ay hadyada ugu geeyeen koonfur, iyaga oo xasuusan xasuuqii ay kula kulmeen Madax-kutidii gacanta ku haysay Maamuladii Muqdisho ee kala danbeeyay ee maamulkan imika jooga ee Farmaajo uu ugu danbeeyay kaasoo wali ku dhaqmaya inta taagtiisa ah nacayb iyo cadaawadii ay waligoodba kula dhaqmayeen ummada Somaliland.


Filimaayo in xubnaha Somaliland u dhashay ee imika ku fikiriya Midnimo danbe inay daacad ka tahay Midnimadaasi, sababtoo ah way ogsoon yihiin inaanay muuqan humaag fog iyo humaag dheer midna oo Midnimo dambe ka dhex abuuri kara Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana diidaya Damiirka, Dadnimada iyo xataa Diinta Islaamka ee saxda ah ee aan ogolayn in qofka Muuminka ah god laba jeer laga wada qaniino.


Waxaan qoraalkan yar ku soo gebo-gabaynayaa waa in qof kasta oo Somaliland u dhashay oo wax tabanayaa uu ogaado in Xukuumaduhu ay is bedelaan, Madaxweynayaashuna ay is bedelaan, maalmuhuna ay is gurayaan sidaas daraadeed aanay ku kelifin cadhada uu u qabo Xukuumada ama Madaxweyne Muuse Biixi in ay Xuduuda ka talaabiso, balse waxaa loo baahan yahay hadii uu niyad-jabo inuu sugo inta Madaxweynaha maanta joogaa uu Xil-madaxeedkiisa dhamaysanayo, shalay Madaxweyne kale ayaa joogay, berrina Madaxweyne kale ayaa imanaya, waa halkaas meesha uu ka istaadhmay buuqan midnimo-doonkan riyada ahi siday Aniga ila tahay.

"Waar yaa loo Xayaysiinayaa Xamartu waa tiiye” Abwaan Dheeg


Qiiro danbe MAYA

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...