Daacad Baan Ahay Jooji ( Abdi-Shotaly).

0
Monday March 09, 2020 - 08:26:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacad Baan Ahay Jooji ( Abdi-Shotaly).

    Waxan halkan saaka idiinku soo gudbinayaa, Riwaayad la yidhaaho " Dacad baan ahay Jooji"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan halkan saaka idiinku soo gudbinayaa, Riwaayad la yidhaaho " Dacad baan ahay Jooji"
Oo ay metela-yaan faanaaniin cusubi, oo la yidhaaho " Haygu qalin Anaa qaataye" Hadaba waxa aan hal-hal idiinku soo ban-dhigi doonaa, xidigaha metelaaya ama inoo dhigi doona Riwaayadan aan sare ku Carrabaabay, kuwaas oo ah Inta Xididadda u saartay Somaliland iyo mid waliba wuxuu ku hadlay, oo uu magaciisu ku hor qoran yahay, ee ku soo dhawaadda:-


  • Intaan Riyaha orgaca la iiga dhigay aan isaka raacdo, maan xisbaab ka dul qaato ( Ina riyo raac)
  • Ciiraddii aan isku qarin jirey iyo beentii, baryaddii aan ula tegay Farmaajo soo gabga-bawday, ee ilayn geed la cuska-daana ( Raggii ma adigaa ka hadhay).
  • Laba-deena reerka yaw weyn oo ah waayeel Muuse waalaw ( Farmaajo),
  • Horaan uga dardaarmay In aanu dal iyo dad iga dambanayaa jirin ( Daahir Riyaale).
  • Anigaa meherul shardi ku qaba Dalka, go'aan-kaan gooyana aan cidi ka daba hadlayn, oo haysta Guurtiddii, ( Saleebaan gaal)
  • Anigu Ma Aqaan Garaxajis Bari ( Boos mire).
  • Runtu ma fantaa, wax jira baan sheegee ( Suldaan Cune).
  • Haddii reer-ku kala dido, taloow yey u daran tahay ( C/Rahmaan Cirro).
  • Anigu intii aan bed-qabay, garaama-hayggii ka qaataye, ee cirka haysku shareerto ( Siilaanyo ).
  • Inkaartii aan Garxajis Ka shaqaysaty baa igu dhacday, Cabdiraxman good-na wuu igu xigaa ( Ina Xirsi Qani).
  • Mid kastaa wuxu ii dhiibaa Khasanadda, waayo siro fara bdan baan ka wadda hayaa, oo aan sii daynayaa haddii aan la i naas-nuujin (Sacad Cali shire).
  • Intii aan qaadi karaayey, si wacan baan u meeleeyey ( Baqdaadi).
  • Balan beenaad kama dhegay-sano Askariga, ee dameero haw sheego ( Cabdilqaadir Jirde ).
  • Horta yaa loo digayaa waynu is naqaanaaye, dadku imika muu dhalane. ( Hogaamiye Xirsi).
  • Dalka anaa iibshay, weliba u sii milikh-sanaaya, in la ii sharaxo Gudoomiyaha Qudhmiye ( Beenaale Maxamuud Xaashi), 
  •  Aniga waa Madax-weyne ku xigeen baa igu filan in la iigu yidhaaho ( Saylici).
  •  Wado halaq in maray baa waabay ka leefayee, warma-haaga afayso (  Faysal).
  • Reerka aniga ii daaya, Anaa siddii Jaamc Shabeel iyo Cadaani ka reebaaya Shirarka Qudhmiye ( Ina Cabdi Dheere)
  • Waxaw halis ah badaw hay-jad galay, inu halaa-baaye ( Cali Gurey),
  •  Waan deg-degay, oo anays falaye yara sug lahaydee, Munaafaqad iskala dhex fadhi Ucid, oo ku meel gaadh baa i seegtay, inta Jamaal Cali Xuseen Xusbi furaayo ( Ramaax),
  • Ninka duday distoor-kiyo sharciga, diinti ka caroowye ( Bashaha Wakiiladda),
  • Caqli weyn ma lihiye, ee calool weyn baan leeyahay ( dhalaaye Solteko),
  • Waraabe ciila haw qabin, calala haw tuurin, baynu ku shayqayn doonaa, si aan mushaa-haaradu inooga go'in ( Golaah wasiiro ku sheega Somaliland).
  • Oo xagaan ku hadhaa heegadda haysku shareer-to, ee dab miyaan huriyo bal halkay isla gaadho ( Kud-madaw).
  • Ma anigaa qadaya, qiiqa waan arkayaaye, qarqarka aan ka lusho, oo waa ciddii ka qax-waysa ( Ali khaliif galaydh),
  • Inaan beeshaydda xidhig la daba-gallo baa askartu amar igu siisay ( Daba-gale).
  • Ma cid bay iga horaysa, halgankii berriggii, halyey baan ka ahaaye ( Geenyo Shaaxiamn ).
  • Meel Aar ka Kacay atoor fadh-fahdiisay ( Ahmed Mire).
  • Ina Biixaw waxba cunaha hays qaban, sidda cawl wadkii galay, Waynu isla og-nahay ciddda mujaahid ahe ( Dhega-weyne).
  • Dhalan-teed aan soco-naynin iyo ma dhegaysto war-kaase, ee kulmiyaw ka dhaqaaji ( Xildhi-bana Nac-nac).
  •  Geelaa isugu kaayo jira " raggii ma adigaa ka hadhay" ( Jamaal Cali Xuseen),
  • Hadaan qawlalka buuxsho, oon qurus-kayga ka qaato, ma cid bay qabanaysa, Maamul walba hunguri baan ku raacaaye ( Ina Waran Cade),
  • Wadaada-du beerka xaydha leh way cunaane, ilaahay maa ka yaab-taan oo na siisaan ( Baashe Moorgan).
  • Inta nabadi joogtaa nin-ba laba nin leeg-yahay ee yey kula xumaan ( Gudidda Garxajis  ).
  • Ma cadaalad baa jirta, waa ii dhib aan kuugu shubee, ee maxaad haysaa qudhmiyaw ( Komishan ku sheega).

Akhriste-yaal halkaas bay ku dhamaatay Riwaayaddii la magac baxday " Daacad baan ahay Jooji" oo ay soo qaban-qaabiyeen Hoobaladda la yidhaaho "Haygu qaylin Anaa qaataye" Waa riwaayad ka rujumaysa halka xaal maraayo, ee si wacan u daawadda, waa anigaa idin hor keenaye.

* N.B. Haysku Qaraxdee Qurus-kaaga Ka qaado?

Qore :- bdi-shotaly.



 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...