Wakiilka Midawga Yurub Oo Cadeeyey Danta Ay Ka Leeyihiin In Doorashooyinka Somaliland Qabsoomaan

0
Sunday March 08, 2020 - 21:03:33 in News by
  • Visits: 3412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Midawga Yurub Oo Cadeeyey Danta Ay Ka Leeyihiin In Doorashooyinka Somaliland Qabsoomaan

    Wakiilka Midawga Yurub Oo Cadeeyey Danta Ay Ka Leeyihiin In Doorashooyinka Somaliland Qabsoomaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Midawga Yurub Oo Cadeeyey Danta Ay Ka Leeyihiin In Doorashooyinka Somaliland Qabsoomaan


Hargeysa(HWN):-Wakiilka midawga yurub ee somaaliya Nicolas Berlanga oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay sababta ay midawga yurub u danaynayaan in doorashooyinka somaliland qabsoomaan.

Image result for Nicolas Berlanga


Danjire Nicolas Berlanga oo ka hadlayey kulan ay yeesheen ururada bulshada somaliland ayaa ururada bulshada u cadeeyey sababta midawga yurub dedaalka badan ugu bixinayo in doorashooyinka somaliland qabsoomaan.


Danjire Nicolas Berlanga oo ka hadlaya su,aalaha shacabka somaliland is waydiiyaan ayaa waxa uu yidhi "Rag iyo haweenba waxaad is waydiisaan sababta uu midawga yurub uga hadlayaan doorashooyinka somaliland tamarna uu u galinayo dhiirigelinta in doorashooyinku dhacaan, waanan idiinka jawaabayaa galabta su,aashan aniga oo idin siinaya jawaabta oo ah mid fudud.”


Danjire Nicolas Berlanga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Sababta aanu uga hadalno doorashooyinka somaliland waxaanu doonaynaa in somaliland ay inoo sii ahaato tusaale wanaagsan inaga oo dhan.”


Midawga yurub ayaa dhawaan ku guulaystay inay soo afjaraan khilaaf mudo dheer qaatay oo u dhaxeeyey xisbiyada siyaasada somaliland kaas oo ku saabsanaa qabsoomida doorashooyinka iyo guddida dhex dhexaadinaysa.

Loading...
Loading...