Guddoomiyaha UCID oo ka hadlay Qabsoomidda Doorashooyinka, Farriina U Diray Puntland

0
Sunday March 08, 2020 - 20:17:42 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha UCID oo ka hadlay Qabsoomidda Doorashooyinka, Farriina U Diray Puntland

    "Doorashadda waa galaynaa, shacabkanna waxaannu leennahay dad wanaagsan keenna Dawladdaha hoose iyo Baarlamaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Doorashadda waa galaynaa, shacabkanna waxaannu leennahay dad wanaagsan keenna Dawladdaha hoose iyo Baarlamaanka

Hargaysa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa uu sheegay in Xisbigiisu uu diyaar u yahay Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka,waxaannu ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay keennaan dad aqoon leh oo Aaminnaad leh oo Alle ka cabsi leh.
Image result for faysal cali waraabe


Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u waramaayay telefishanka SAHAN Tv, waxaannu Maamulka Puntland ugu baaqay inay Fidnadda ka daayaan gobollada Bariga Somaliland, isagoo shacabka deegaankaasna u soo jeeddiyay inay meel uga soo wada jeestaan Fidnadda Maamulkaas yari ka dhex waddo deegaannadoodda.

"Doorashadda waa galaynaa, shacabkanna waxaannu leennahay dad wanaagsan keenna Dawladdaha hoose iyo Baarlamaanka, dad aan is-xambaar ahayn keenna, dad aan dhaxlin hala keenno, markaa si wacan baannu wax u wadnaa"

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale, oo uu ka hadlay dagaalo maalmihii u danbeeyay dhex-marraayay Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa waxa uu yidhi "Maamulkaasi Puntland waa reer yar oo Maxamuud Saleebaan ah oo dawlad iska dhiggaaya, waannu u sheegaynaa shacabka gobollada barri maamulkaasi fidno ayuu idin gelinnayaa ee dagaal wax-ba idinka tarri maayo. Nin reer Badhan ayaa si fiican u hadlay oo sheegay inay fidno ka waddaan gobollada Bariga, hadalka Ninkaas waan taageersannahay, markaa waxaan leeyahay Tuullooyinkiinna ha iska duminina, Siyaasad iyo Ciiddan midna iskaga kaaya celin maysaanne." Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...