Qaramada Midoobay Oo Qorshaynaysa In Soomaaliya Ay Ka Qabato Doorasho Somaliland Qayb Ka Tahay

0
Sunday March 08, 2020 - 18:00:37 in News by
  • Visits: 2480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Qorshaynaysa In Soomaaliya Ay Ka Qabato Doorasho Somaliland Qayb Ka Tahay

    Qaramada Midoobay Oo Qorshaynaysa In Soomaaliya Ay Ka Qabato Doorasho Somaliland Qayb Ka Tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay Oo Qorshaynaysa In Soomaaliya Ay Ka Qabato Doorasho Somaliland Qayb Ka Tahay


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay in wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan uu ka shaqeynayo nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.


Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa soo saaray war-murtiyeed uu kaga jawaab celiyey, kuna cambaareeyey qorshahaas iyo hadallo ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Image result for James swan iyo muuse biixi


"Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan soo saaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanayaxaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadaba,” ayaa lagu yiri qoraalka.


Qoraalka wasiir Koore ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhawaaqa ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha Guud "uu ka hor imanayaa Qaramada Midoobay oo sheegta inay daacad ka tahay siyaasadda mandaqadda.”


Somaliland ayaa sheegtay in war-saxaafadeedkii James Swan ay u aragto "daandaansi iyo farogelin uu ku sameeyey xornimada Somailand iyo is-xukunkeeda.”


"Hadalka Wakiilka Xoghayaha guud wuxuu xushmad darro ku yahay waajibaadkii ay aheyd inay Qaramada Midoobay ay garab istaagto nabadgelyada iyo xasiloonida mandaqada,” ayuu wasiir Koore ku yiri qoraalkiisa.


Koore ayaa sidoo kale sheegayin tallaabada James Swan "aywaxyeeli doonto himiladii laga qabay dib u bilaabista wadahadalada beesha caalamku doonaysay inay u qabato Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.”

Loading...
Loading...