Madaxwaynaha Puntland Oo Ka Waramay Kiiskii Caasha Ilyaas Iyo Halkii Uu Ku Dambeeyay

0
Sunday March 08, 2020 - 16:28:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Puntland Oo Ka Waramay Kiiskii Caasha Ilyaas Iyo Halkii Uu Ku Dambeeyay

    Madaxwaynaha Puntland Oo Sheegay In Kiiskii Caasha Ilyaas Dhamaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Puntland Oo Sheegay In Kiiskii Caasha Ilyaas Dhamaaday

Maarso 08, 2020 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay munaasabada  maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa Madaxweyne Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi Xirsi, qaar kamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socda Hay'addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.



Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowladdooda.

"Waxad wada ogtihiin kayskii Caasho, ood makhraanti ka tihiin inuu si hufan kusoo dhammaaday...Waxan halkan uga baaqayaa iyadana maxkamadaha iyo cidda sharciga gacanta ku haysa kiis kasta oo kaa lamid ah inay waddo sharciah oo cadaalad ah mariyaan. Waxaan kaloo u sheegayaa dadweynaha mararka qaybtood inaysan kahor dhicin maraaxisha maxkamaduhu maraan.

 
Waxaad ogtihiin Caa'isha sidaas oo kalaa waxaa loo oran jiray, kayskeeda waa la musuq maasuqay, waxaanaa dhacay, kanaa dhacay, indhihiinnaad markhaanti uga ahaydeen, kuwa kale oo hadda socdana waxaan rajaynayaa in laga war sugo" Madaxwayne Siciid  Cabdilahi  Deni.


=DHAMMAAD=

Loading...
Loading...