Wasiirka Gaashandhiga Oo U Kuur Galaya Xaaladda Ciidanka Somaliland

0
Sunday March 08, 2020 - 10:35:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashandhiga Oo U Kuur Galaya Xaaladda Ciidanka Somaliland

    Hargaysa (HWN) Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda gaashaandhiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda gaashaandhiga
Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), oo ay wehelina yaan hogaanka hawl galinta ciidanka qaranka iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaarada gaashaandhiga oo u kuur galaya hanaanka iyo xaalada ciidanka qaranka ee fadhiisimadoodu yihiin deegaanada xeebta ee dhaca dhanka waqooyi ayaa habeenimadii xalay kormeerkooda ka bilaabay deegaanka Fuguxo oo ay dagan yihiin ururka ciidanka qaranka ee HORSEED.

 

"Waxaad tihiin geesiyaal qaranku ku faano oo qayb libaaxle ka qaatay dhisida iyo dhawrida Jamuuriyada Somaliland waxaanan idinku amaanayaa sida wanaagsan ee aad uga shaqaysaan ilaalinta amniga iyo xoojinta xidhiidhka ciidanka iyo shacabka’’ Ayuu yidhi wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateey(Fariid).

 

Waxaana waftigu sidoo kale socdaal ku mareen deegaanada , Lughaya, Bariisle ,Lawyo-caddo, Geerisa, Madax-dadlay, Xariirad Iyo deegaano kale oo badan oo katirsan gobolka Salel halkaasoo fadhiisimo kala duwan oo ciidanku halka ku leeyihiin waftigu khudbado uga jeediyeen ciidamada degen .

 

Waxaana waftiga sidoo kale qeyb ka ahaa maamulka heer gobol iyo heer degmo ee deegaanada waftigu mareen .


Loading...
Loading...