Xildhibaanadii Golaha Shacabka Soomaaliya Ee Somaliland Ka Soo Jeeday Oo Rajo La,aan Ka Muujiyey Maamulka Muqdisho Ee Ay Ka Tirsan Yihiin

0
Wednesday April 03, 2019 - 17:45:52 in News by
  • Visits: 2903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanadii Golaha Shacabka Soomaaliya Ee Somaliland Ka Soo Jeeday Oo Rajo La,aan Ka Muujiyey Maamulka Muqdisho Ee Ay Ka Tirsan Yihiin

    Xildhibaanadii Golaha Shacabka Soomaaliya Ee Somaliland Ka Soo Jeeday Oo Rajo La,aan Ka Muujiyey Maamulka Muqdisho Ee Ay Ka Tirsan Yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanadii Golaha Shacabka Soomaaliya Ee Somaliland Ka Soo Jeeday Oo Rajo La,aan Ka Muujiyey Maamulka Muqdisho Ee Ay Ka Tirsan Yihiin


Muqdisho(HWN):-Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa rajo xun ka muujiyey qaabka ay uga sii mid ahaan doonaan xildhibaanada soomaaliya.

Image result for xuseen carab ciise iyo golaha shacabka


Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaanada ku jira golaha shacabka soomaaliya ee ka soo jeeda somaliland isla markaana ah gudoomiyaha guddida difaaca ee golahaasi ayaa haatan ku hanjabay in xildhibaanada ka soo jeeda soomaaliland ay iskaga baxayaan soomaaliya.


Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay inay dalbanayaan in xal loo helo arimaha u dhaxeeya somaliland iyo soomaaliya, isaga oo haatan ku dooday in dastuurka soomaaliya oo la falanqaynayaa aanu meelna ka khusayn somaliland.


Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo maanta ka hadlay fadhi ay lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka soomaaliya ayaa sheegay in haatan heerkii ugu liitay ay marayaan wadda hadaladii u dhaxeeyey somaliland iyo soomaaliya.


Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa waxa uu yidhi "Wada hadaladii u dhaxeeyey somaliland iyo soomaaliya meel aad u xun ayey hada marayaan, waxaana hada loo baahan yahay in xal loo raadiyo, hadii aan la xalina waxaanu ku laaban doonaa somaliland.”


Sidoo kale xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa carabka ku adkeeyey in xildhibaanada ka soo jeeda somaliland ee ka tirsan golaha shacabku aanay ahayn shaqo doon balse ay u taagan yihiin sidii ay mar kale midnimo u dhexmari lahayd Somaliland iyo soomaaliya, waxaanu cadeeyey inaanay jirin dedaalo ku wajahan hirgelinta arintaas oo hada ka muuqda dawlada soomaaliya taas oo uu tibaaxay inay ku dhalin karto inay ku laabtaan deegaanadooda.


Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa yidhi "Xamar umaanu iman inaanu shaqaysano, balse waxaanu u taaganahay in laysku keeno labada gobo lee Waqooyi iyo Koonfur, haddii aanu jirin dedaalkii layskugu keeni lahaana dib ayaanu ugu laaban doonaan deegaanadii aanu ka nimid.”

Loading...
Loading...