Shaqo qaran; bogaadin iyo bidhaamin. W/Q: Pro.Cabdiqani Iid Cilmi

0
Sunday March 08, 2020 - 08:01:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqo qaran; bogaadin iyo bidhaamin. W/Q: Pro.Cabdiqani Iid Cilmi

    Barnaamij ka shaqo qaran, waa mid tijaabo u ah hal-abuurada soo daahay ee kal hore laga bilaabay Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamij ka shaqo qaran, waa mid tijaabo u ah hal-abuurada soo daahay ee kal hore laga bilaabay Somaliland

. Mar wal ba guulaha la gaadho se waxa dhinac socda galdaloolooyin, maamul xumo iyo sad bursiyo, marar badan ku yimaadda si ula kac ah ama ba se qorshe xumo keento, Qormadan waxa aynu ku eegaynaa laba sad bursi ama qorshe xumo oo haddii aan wax laga baddelin Sanadaha danbe sababi kari fashil ku yimaadda Barnaamijkan.



Sed bursi ga koowaad; waa mid si ula kac ah loogu kala sad buriyay goboladda, sed bursigaasi waa mid ka madhan aqoon, gobolada qorshe cad oo wax loogu qaybiyay haba yaraatee ma jiro, goobaha ama gobolada tirada dad ku aad ka u sarrayso waxa ay istaahileen in si boqollay ah loogu qaybiyo tirada guud, cadad ka ay xaqa u leeyihiina la siiyo. Tusaale ahaan tirada dad ka ku dhaqan Maroodijeex waxa ay tirada guud ee dad ka Somaliland ku dhaqan ka noqonayaan 40%, hal ka qoondada shaqo qaran ay ka helleena tahay tiro ku siman 20%, (boqolaydan danbe waa minqiyaas ma aha mid 100% sax ah).


Sidoo kale, Gobolada wax loo qaybiyay si naba uma waafaqsana dastuur ka waddan ka, goboladda saxda ahi waa 6, waxa si ula kac ah Gabilay iyo Badhan looga hoos saaray goboladdii ay ka mid ka ahaayeen. Haddiiba la raacayo goboladdii cusbaa ee Mudane Daahir riyaale Magacaabay sabab looga tagay goboladii kale ma muuqato.


Sad bursiga labaad; waa mid niyad jab ku riddaya Hablaha Soomaaliyeed, Hadii aynu eegno tirade guud ee imtixaan ka u fadhiisatay waa 3993 oo qof, 2377 qof oo ka mid ahi Haween ayaa ay ahaayeen hal ka 1616 kali ahi rag ahaayeen. Sidaa oo ay tahay haddana tirada loo qorsheeyay in Haween ka laga qaata waxa ay ahay 312 boos oo kali ah, hal ka raga u fadhiistay imtixaan ka oo aad uga yaraa tirade hablaha imtixaan ka galay loo qoodeeyay oo la siiyay 726 boos. Waa cadaalad darro aad u wayn, ugu yaraan waxa ay ahayd in la si siman wax loogu qaybiyo lab ka iyo dhedigga.

 

Gobolada

Tirada Guud ee u Fadhiisatay Imtixaan ka

Tirada Guud ee la Aqbalay

 

T.Guud

Lab

Dheddig

T.Guud

Lab

Dheddig

Maroodi-jeex

1561

640

921

217

147

70

Saaxil

279

132

147

74

51

23

Tog-Dheer

459

173

286

140

95

45

Sool

555

168

387

149

103

46

Sanaag

400

200

200

233

177

56

Awdal

553

195

358

147

99

48

Badhan

67

31

36

43

28

15

Gabilay

119

77

42

35

26

9

Total

3993

1616

2377

1038

726

312

Diyaarn: Abdalgani


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...