"Himiladii Shanta Soomaaliyeed Wali May Dhiman"....Xil Cabdiqaadir Jirde

0
Saturday March 07, 2020 - 21:09:11 in News by
  • Visits: 5777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Himiladii Shanta Soomaaliyeed Wali May Dhiman"....Xil Cabdiqaadir Jirde

    "Himiladii Shanta Soomaaliyeed Wali May Dhiman"....Xil Cabdiqaadir Jirde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Himiladii Shanta Soomaaliyeed Wali May Dhiman"....Xil Cabdiqaadir Jirde

Hargeysa(HWN):-Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo Sheegay in Aanay Dhimanin Himiladii Shanta Soomaaliyeed"Shantii Soomaaliyeed Inagamay Dhimanin, Waxaan Filaynaa in Shantii oo Xor ahi ay Isa Soo Doontaan.”. Xildhibbaan Cabdiqaadir jirde.



Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah Mudaneyaasha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa soo bandhigay inuu jiro rabitaanka dawladda Itoobiya ee ku aadan xeebaha Somaliland, waxaana uu iftiimiyey in arrintaasi ay tahay himilo soo jireen ah oo ay wakhtiyo badan iska soo dhaxlayeen dawladihii kala dambeeyey ee wadanka Itoobiya.

Image result for cabdiqaadir jirde

Xildhibbaan Jirde, ayaa hadalkan sheegay mar uu ka hadlaayey Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu carabka ku dhuftay in sida himilada Soomaali weyn aanay u dhiman oo kale in aanay u dhimanin himilooyinka waaweyn ee dawladda Itoobiya ay ka lee dahay Geeska Afrika, isaga oo xusay in himiladdii Shanta Soomaaliyeed rejo laga qabo in maruun ay isku iman doonaan oo ay midoobi doonaan balse hadda ay xidheen duruufaha wakhtigan jira.


"Dawladda Itoobiya waa dawlad aynnu deris nahay, waana dawlad hindiseyaal gaboobay(soo-jireen) ka leh mandaqadda, himilooyinka caynkaas ahina ma dhintaan oo kolba dawladda timaada ayaa wadciga la socodsiisa dadka oo siday wax uga badalayso se wax dhinta maaha. Arrinta ah in Itoobiya doonayso xeebaheena wax qarsoon maaha. Inaga ba himilooyinkeenu may dhiman oo Soomaali-weyn inagamay dhimanin, shanti Soomaaliyeed inagamay dhimanin ee wadcigan uun baa xidhay, waxaana aanu filaynaa maalin ka mid ah in shanti oo xor ah ay isa soo doontaan oo waa wax aan dhimanin, himilooyinka caynkaas ahina ma dhintaan”. Ayuu yidhi Xildhibbaan Jirde.


Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo hadalkiisa sii wata, wuxu sidoo kale sheegay in la sahashanaayo qorsheyaasha uu maagan yahay Raysal Wasaaraha Wadanka Itoobiya balse loo baahan yahay Aqoonyahanada ku xeel-dheer Xidhiidhada Caalamku ay arrintaas darsaan sidoo kale na ay soo saaraan qorsheyaasha laga ga badbaadi karo, waxaana uu yidhi: "Markaa Abey baa adeerkeen ah oo ina jecel oo wax wanaagsan innoo wada waa wax la sahashanayo, waana waxyaabaha lagu sirmo weeye, waxaynnu u baahannahay ilayn khubaro waa aynnu lee nahee in waxaa shuruucda caalamiga iyo xidhiidhada ba yaqaana ee Jaamacadaha dibadda wax ka dhiga iyo kuwa halkan jooga ba in la abaabulo oo la yidhaa cilmi-baadhisyo ka soo saara iyo qorsheyaasha aynnu kaga badbaadaynno waxaa mandaqadda ka socda”.
Loading...
Loading...