Wiilka Curad Ee Hogaamiye Muuse Biixi Oo Addis Kula Kulmay Wasiirka Maaliyada Itoobiya Iyo Dalab Uu U Gudbiyey.

0
Saturday March 07, 2020 - 19:22:52 in News by
  • Visits: 7319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wiilka Curad Ee Hogaamiye Muuse Biixi Oo Addis Kula Kulmay Wasiirka Maaliyada Itoobiya Iyo Dalab Uu U Gudbiyey.

    Wiilka Curad Ee Hogaamiye Muuse Biixi Oo Addis Kula Kulmay Wasiirka Maaliyada Itoobiya Iyo Dalab Uu U Gudbiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilka Curad Ee Hogaamiye Muuse Biixi Oo Addis Kula Kulmay Wasiirka Maaliyada Itoobiya Iyo Dalab Uu U Gudbiyey.

Hargeysa(HWN):-Wiilka uu dhalay hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ee lagu magacaabo Maxamed Muuse Biixi ayaa kulan khaas ah la qaatay wasiirka maaliyada dawlada federaalka ah ee Itoobiya Axmed Shide.




Sida ay sheegeen Warar Rasmi ah oo Hadhwanaagnews heshay, wiilka hogaamiye Muuse Biixi oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Addis Ababa ayaa dedaal ugu jiray sidii uu ula kulmi lahaa wasiirka maaliyada dawlada federaalka ah ee Itoobiya Axmed Shide oo xukuumada Addis u qaabilsan heshiiska dekeda Berbera iyo mashaariicda Berbera Corridor.


Sida ay sheegayaan wararka laga helayo kulanka uu wiilka hogaamiye Muuse Biixi dhalay ee Maxamed Muuse Biixi la yeeshay wasiirka maaliyada Itoobiya, waxa lagaga wada hadlay sidii uu wiilka madaxweynuhu qayb uga noqon lahaa mashaariicda jidka Berbera Corridor isla markaana uu faa,iido uga heli lahaa mashaariicda dekeda Berbera ee Itoobiya loo fulinayo.


Dhinaca kale jawaabta uu wasiirka maaliyada Itoobiya Axmed Shide ka bixiyey dalabka uga yimid wiilka uu dhalay hogaamiye Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu ka muuqday dabac badan isaga oo aan wax diidmo ah ka muujin dalabka wiilka awooda badan ee Madaxweyne Muuse Biixi dhalay.


Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in hogaamiye Muuse Biixi uu ka dambeeyey qorshaha uu wasiir Axmed Shide kula kulmay wiilkiisa curad ee ku shaqaysanaya awoodihii loo doortay.


Talaabada uu qaaday wiilka uu dhalay Hogaamiye Muuse Biixi oo deelqaaf ku ah nidaamka dawladnimada ee somaliland maadaama oo aanu jirin xil dastuuri ah oo uu hayo kaas oo u saamixi kara inuu la kulmo wasiirka maaliyada dawlada federaalka ah ee Itoobiya ayaa dedaal ugu jira sidii uu ganacsade weyn u noqon lahaa mudada uu xilka qaranka hayo aabihii.


Maxamed Muuse Biixi, wiilka curad ee madaxweynaha ayaa isticmaalaya awood dastuuri ah oo aanu xaq u lahayn isaga oo isku halayn ka qaba aabihii oo ku taageersan inuu isticmaalo awood kasta oo dawladeed si uu mashaariic badan u helo wakhtiga uu xilka hayo isla markaana uu mudo kooban ku noqdo ganacsade weyn.


Wixii Xog Ah Ee Nagaga Soo Kordha Kulanka UU Wiilka Madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay wasiirka Maaliyada Itoobiya kala socda Hadhwanaagnews.com.

Loading...
Loading...