Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Oo ka hadlay Natiijadda Dafcaddii Labaad Oo Imtixaankii Laga qaadday

0
Saturday March 07, 2020 - 18:06:31 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Oo ka hadlay Natiijadda Dafcaddii Labaad Oo Imtixaankii Laga qaadday

    Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Oo ka hadlay Natiijadda Dafcaddii Labaad Oo Imtixaankii Laga qaadday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Oo ka hadlay Natiijadda Dafcaddii Labaad Oo Imtixaankii Laga qaadday

Hargaysa(HWN):-Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu'addinka), ayaa shaaciyay natiijadda Imtixaan laga qaadday dhalinyarro u tartamaysay Wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqo qaran oo ay ku tartamayeen 3993 ruux oo dhalinyarro.
Image result for Maxamed Xuseen Cismaan (Mu'addinka)



"Waxa maanta na soo gaadhay natiijadda dafcaddii labaad ee Shaqo qaran oo tartamayaashu tiraddoodu dhammayd 3993 ruux oo dhalinyarro ah oo soo dalbaday inay ka qayb-galaan wajiga labaad ee Barnaamijka shaqo qaran, waxaanna Imtixaankaas la qaadday 24-kii bishii Feebberwerri, iyaddoo Imtixaankaas lagu qaadday xarrumaha dalka oo dhan." Ayuu yidhi Mu'addinku.

Agaasimaha Barnaamijka Shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu'addinka), waxa uu farriin u diray Ardaydii ku guulaysatay Barnaamijka qaran, waxaannu u mahad-celiyay cidkastoo gacan ka gaysatay Barnaamijka Shaqo qaran, waxaannu yidhi "Waan u hambalyaynaynaa intii Calafka iyo Nasiibku siiyay, inta aan helinna waxaannu leennahay waad dedaasheen. Natiijadda oo dhammaystiran qofkastaabba darajadda uu keennay waxa uu ka heli doonnaa Bogga facebook-ga ee Barnaamijka Shaqo qaran iyo Bogga Xafiiska Imtixaannaadka qaranka. Waxaan u mahad-naqayaa hawl-waddeenaddii Imtixaankaas qaaddistiisa iyo soo saarista Natiijadda ka qayb-galay."

"Wiilasha ku guulaystay Imtixaankan waxa ay soo xarroon doonaan maalinta Arbacadda magaallooyinka Awdal , Gabiley, Marroodijeex iyo Saaxil. gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag iyagunna waxay soo xarroon doonnaan maalinta khamiista ee toddobaadkan haddii Alle idmo, waxaannu ka codsanaynaa guddoomiyeyaasha gobolladaas inay dhalinyaraddaas soo kaxeeyaan oo ku wareejiyaan Xarunta tabbabarka Barnaamijka Shaqo qaran ee Dararweyne." Ayuu yidhi Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu'addinka)

Hadhwanaagnews,Office
Hargaysa,Somaliland

Loading...
Loading...