Kootadu Maaha Manfac Guud, ee Waa Macaash Shakhsiyadeed "...W/Q Cabdalle Samiir Gaaxnuug

0
Saturday March 07, 2020 - 18:06:24 in Articles by
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kootadu Maaha Manfac Guud, ee Waa Macaash Shakhsiyadeed "...W/Q Cabdalle Samiir Gaaxnuug

    Kootadu Maaha Manfac Guud, ee Waa Macaash Shakhsiyadeed "...W/Q Cabdalle Samiir Gaaxnuug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kootadu Maaha Manfac Guud, ee Waa Macaash Shakhsiyadeed "...W/Q Cabdalle Samiir Gaaxnuug


Ganacsiga xorta ahi waa siyaasad ganacsi, oo aan xakamaynaynin soo dejinta ama dhoofinta ashyaada, loona fahmi karo suuqa xorta ah ee ku dabaqida ganacsiga caalamiga ah, caqabadna waxa ku noqon karta kootada la soo dejiyo, canshuur dhaaf la'aan iyo carqaladaha aan la taaban karin, sida sharciyeynta dejinta.




Ganacsiga xorta ahi waa axdi u dhexeeya laba ama in kabadan oo daneeyayal ah, si loo naaquso caqabadaha soodejinta iyo dhoofinta dhexdooda. Marka loo eego siyaasad ganacsi oo daaha furan, wuxuna kordhiyaa isu socodka ganacsiga baahsan ee dunida (open trade world), alaabada iyo adeegyada waa la iibsan karaa , laguna iibin karaa xuduudaha caalamiga, iyada oo aan laga yarayn ama aysan jirin canshuur dhimis, qoondeyn, kabitaanno iyo wax isweydaarsigooda.


Ujeedada ganacsiga xorta ahi, waa mid ka soo horjeedda ilaalinta ganacsiga ama go'doomin dhaqaale kooto.


Faa'idooyinka uu leeyahay ganacsiga xorta ahi;


1) Ganacsiga xorta ahi wuxuu kordhinayaa, helitaanka badeecado tayo sare leh iyo qiime hooseeya.


2) Ganacsiga xorta ahi wuxu horseeda tartan furan.


3) Ganacsiga xorta ahi, wuxuu wanaajiyaa hufnaanta iyo hal-abuurnimada bulshada dookhooda.


4) Ganacsiga xorta ahi, wuxuu dhiirrigeliyaa kobaca dhaqalaha caddaaladda ku salaysan.


Isku soo xooriyo, kootadu maaha hanan lagu wada faaidaysan karo, oo laga siman yahay balse waa duudsi dangaara lagaga faaidaayo, oo shacabka masaakinta ahina xumaan iyo saman, qaali iyo jabnaan, tayo iyo tayo la'aanba aad ku qasban tahay inaad qaadato shayga, cid gaara loogu xidhay sida SOMCABLE INTERNETKEEDA, markaas waan soo dhawaynaya tartanka xorta ee dhanka technologyada .


Kootadu maaha manfac guud, ee waa macaash shakhsiyeed, looga danaysanayo danyarta hogaanka loo hayo dhibicda dhiigooda uga soo shubaan dhaqaale ahaan.

CABDALE GAXNUG.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...