Maxaa Sababay In Madaxweynihii Al-Jeeriya Is Casilo?

0
Wednesday April 03, 2019 - 17:38:34 in News by
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay In Madaxweynihii Al-Jeeriya Is Casilo?

    Maxaa Sababay In Madaxweynihii Al-Jeeriya Is Casilo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Sababay In Madaxweynihii Al-Jeeriya Is Casilo?


Madaxweynihii dalka Aljeeriya Abdelaziiz Bouteflika ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay ka dib todobaadyo ay socdeen mudaharaado lagaga dalbanayey inuu kursiga baneeyo.

Image result for abdelaziz bouteflika


Madaxweyne Bouteflika oo awooda dalka Aljeeriya haystay mudo labaatan sanadood gaadhaysaayaa ku guul daraystay inuu markii shanaad oo xidhiidh ah murashax u noqdo xisbigiisa oo hayey talada dalkaasi.


Ciidamada qalabka sida ee dalka Aljeeriya ayaa madaxweynaha 82 jirka ah ku cadaadiyey inuu kursiga baneeyo maadaama oo aanu gudan Karin waajibaadka looga baahan yahay.


Madaxweyne Bouteflika ayaa lix sanadood ka hor uu asiibay xanuunka faaligu kaas oo aan awoodayn wakhtigan inuu hadlo, iyada oo telefishanka dawlada laga sheegay in wakhtigiisii madaxweynenimo uu dhamaystay salaasadii.


Madaxa ciidamada dalka Aljeeriya Gen Ahmed Gaed Salah ayaa warbaahinta APS News u sheegay inaanu hadhin wakhti dambe oo lagu sii lumiyo madaxweyne Boutiflika.


Hogaamiyeyaasha soo abaabulay mudaharaadada ka socday dalka Aljeeriya ayaa ka horyimid in madaxweyne Bouteflika uu mar kale u tartamo madaxtinimada dalkaasi marka la gaadho doorashooyinka qorshaysan 28-ka bisha April.

Loading...
Loading...