War Deg Deg Ah:-Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laalay Kootadii Adeega Internet-ku Ugu Xidhnaa Shirkada Somcable

0
Saturday March 07, 2020 - 10:39:55 in News by
  • Visits: 3656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laalay Kootadii Adeega Internet-ku Ugu Xidhnaa Shirkada Somcable

    War Deg Deg Ah:-Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laalay Kootadii Adeega Internet-ku Ugu Xidhnaa Shirkada Somcable

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laalay Kootadii Adeega Internet-ku Ugu Xidhnaa Shirkada Somcable


Hargeysa(HWN):-Xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen ku laalay kootadii Internetka loogu xidhay shirkada Somcable.


Fadhiga golaha wakiilada somaliland ee maanta oo uu gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax ayaa xildhibaano tiradoodu gaadhayso 20 ay ku hor keeneen wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyey xeerka isgaadhsiinta, kaas oo markii hore ogolaanayey in shirkada Somcable ay kooto ku haysato adeega Internetka somaliland mudo 25 sanadood ah.

Image result for golaha wakiilada somaliland


Ka dib falanqayn iyo dood laga yeeshay waxbadalka xeerka isgaadhsiinta, 68 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyey wax badalka lagu sameeyey xeerkaasi halka 1 xildhibaana ka diiday gudoomiyuhuna aanu codayn.


Kaabista iyo waxbadalka xeerkan lagu sameeyey xeerka Isgaadhsiinta somaliland ayaa keeni doona inuu meesha ka saaro kootadii shirkada Somcable oo ku guuldaraysatay inay dalka ka hirgeliso adeeg Internet oo xawaare leh.


Sidoo kale Waxkabadalka xeerkan ayaa fudaydin doona in shirkado badan oo daneynayay inay dalka keenaan adeega internetka ay ku soo dhiiradaan maal gashiga dalka


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...