Safiirka Midawga Yurub Oo Maanta Ku Soo Wajahan Hargeysa Iyo Ujeedada Uu Socdaalkiisu Daaran Yahay.

0
Saturday March 07, 2020 - 10:25:42 in News by
  • Visits: 2593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Midawga Yurub Oo Maanta Ku Soo Wajahan Hargeysa Iyo Ujeedada Uu Socdaalkiisu Daaran Yahay.

    Safiirka Midawga Yurub Oo Maanta Ku Soo Wajahan Hargeysa Iyo Ujeedada Uu Socdaalkiisu Daaran Yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Midawga Yurub Oo Maanta Ku Soo Wajahan Hargeysa Iyo Ujeedada Uu Socdaalkiisu Daaran Yahay.


Hargeysa(HWN):-Safiirka wadamada midawga yurub u qaabilsan soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa la filayaa inuu maanta soo gaadho caasimada somaliland ee Hargeysa.


Sida ay sheegayaan wararka ku saabsan ujeedada socdaalkiisa, danjire Berlanga ayaa somaliland u imanaya dhamaystirka heshiiskii uu ka soo shaqeeyey ee ay kala saxeexdeen dhinacyada isku hayey doorashooyinka somaliland.

Image may contain: 1 person, suit


Heshiiskii xisbiyada somaliland kala saxeexdeen dabayaaqadii bishii February ee sanadkan oo dhabaha u xaadhayey in doorashooyinka isa saaran ee golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanadu ay ka dhacaan somaliland sanadkan 2020 ayuu haantan danjire Berlanga uu doonayaa in la waafajiyo heshiiska hanaanka farsamo ee loo wada shaqaynayo iyo shuruucda dalka isla marakaana loo bilaabi lahaa hawlaha shaqo ee guddiyada doorashooyinka.


Safiirka wadamada midawga yurub u qaabilsan soomaaliya Nicolas Berlanga ayey wararku sheegayaan in marka uu soo gaadho caasimada somaliland ee Hargeysa uu la kulmo doono hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani kuwaas oo uu kala hadli doono hanaanka loo fulinayo heshiiskii ay saxeexeen.


Xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ayaa 27-kii bishii hore madaxtooyada ku kala saxeexdeen heshiis lagu soo afjarayey khilaafkii ka taagnaa doorashooyinka kaas oo ka koobnaa 7 qodob oo aan ilaa hada la fulin.

Loading...
Loading...