Musuq Maasuq Iyo Maamul Xumo Soo Foodsaartay Wakaaladii Biyaha Hargeysa Iyo Fashilka Dul Hoganaya

0
Saturday March 07, 2020 - 10:19:47 in News by
  • Visits: 2056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuq Maasuq Iyo Maamul Xumo Soo Foodsaartay Wakaaladii Biyaha Hargeysa Iyo Fashilka Dul Hoganaya

    Musuq Maasuq Iyo Maamul Xumo Soo Foodsaartay Wakaaladii Biyaha Hargeysa Iyo Fashilka Dul Hoganaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musuq Maasuq Iyo Maamul Xumo Soo Foodsaartay Wakaaladii Biyaha Hargeysa Iyo Fashilka Dul Hoganaya


Hargeysa(HWN):-Wakaalada biyaha ee Hargeysa oo dhawrkii sanadood ee ugu dambeeyey ku hawlanayd mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa ayey soo foodsaartay maamul xumo baahsan oo saamaysay iyo musuq maasuq loo gaystay mashaariicda loogu tala galay biyo balaadhinta caasimada.

Image result for maareeye daarood


Maamul xumada iyomusuqa soo foodsaaray wakaalada biyaha ee Hargeysa ayaa keenay inay hoos u dhacdo adeegyadii ay ka heli jireen qaybaha ka shacabka ka mid ah ee wali biyo ka soo hela dawlada, iyada oo su,aalo badana layska waydiinayo mashruuca biyo Hargeysa oo tobankii sanadood ee ugu dambeeyey uu maareeyaha wakaaladu sheegayey inay socdaan.


Maareeye Maxamed Daarood ayaa hoos u dhac weyn u sababayadeegyada ay qaybo ka mid ah bulshada caasimada siiso wakaalada biyaha ee Hargeysa iyada oo maamul xumidiisu ay sababtay in shacabka Hargeysi ay ka rajo dhigaan mashaariicdii biyo balaadhinta ee ay rajada ka qabeen in maruun la hirgelin doono.


Dhinaca kale maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa oo isku halayn ka haysta hogaamiye Muuse Biixi ayaa si badheedh ah nidaam musuq maasuq ugu bixiyey mashruuca biyo gelinta ee caasimada Hargeysa ka dib markii loo fuliyey shuruud uu ku xidhay bixinta mashruucaas oo ahayd in wasaarada biyaha laga badalo wasiirkii hore Saleebaan Cali Koore.


Codsiga Maareeye Daarood oo uu fuliyey hogaamiye Muuse Biixi ayaa keenay in mashruuca biyo gelinta Hargeysa oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 22 million oo doolar loo gacan galiyo Cabdi Yuusuf Aar o ah shakhsi ay gacansaar leeyihiin Muuse Biixi isla markaana ka mid ah xubnaha ugu dhaw.


Mashruuca biyo gelinta Hargeysa oo aan la marin guddida qandaraasyada qaranka ayaa qaabka lagu bixiyey ay ka turjumaysaa maamul xumada iyo musuqa ku habsaday wakaaladii biyaha Hargeysa ee laga sugayey inay biyo yaraanta ka saarto caasimada.


Dhinaca kale waxa rajo beel ku dhaw wadamada ku midoobay sanduuqa SDF ee qorsheeyey in dhaqaalaha ay ugu deeqaan somaliland laga maalgeliyo biyo balaadhinta Hargeysa taas oo aan ilaa hada suurta gelin isla markaana soo bilaantay sanadkii 2012.


Dawlada Jarmalka oo dhinaceeda dhaqaale gaar ah ku bixinaysa sidii ay Hargeysa u heli lahayd biyo ku filan ayaa dhankeeda quus ka taagan dhaqaalihii iyo farsamadii ay ku bixisay mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo noqday mashruuc ay soo foodsaareen maamul iyo musuq maasuq uu ku kacay Maareeye Daarood.



La Soco Qaybo Kale Oo Ku Saabsan Musuq Maasuqa Iyo Maamul Xumida Wakaalada Biyaha Hargeysa.

Loading...
Loading...