Puntand Oo Faahfaahisay Shir Todobaadka Dambe Ka Dhacaya Garoowe.
Garoowe (HWN) Maamul Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin kabixiyay shir 15 bishan aynu ku jirno ka furmayada Magaalada Garoowe.
Wasaarada arimaha gudaha Puntland ayaa sharaxaad ka bixisay shirka iyo ujeedadiisa
Wasiirka wasaaradaasi arimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi ay isugu imaan doonaan dhammaan saamileyda Puntland.
Sidoo kale wuxuu ka dalbaday shacabka deegaanada maamulkaasi in aysan wal-wal ka muujin shirka oo lagu miisaami doono doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya.
"Shirka ka dhacaya Garoowe 15-ka bishaan waa mid waxtar u leh Puntland, yaan laga hordhicin balse aynu sugno inta uu kasoo idlaanayo, waxaana dadka ugu baaqayaa in aysan ka walwalin.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland.
Dhabancad ayaa sidoo kale intaasi ku daray in shirweynahaani oo qaban qaabadiisa laga dareemayo Garoowe uu yahay mid waxtar u leh Puntland.
Balse dad badan ayaa walaac ka muujinaya qabsoomida shirkaan oo lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah.