Somaliland Doorasho Ma ka Dhici Kartaa 2020? W/Q Mubaarik keyse Fooje .

0
Saturday March 07, 2020 - 08:48:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Doorasho Ma ka Dhici Kartaa 2020? W/Q Mubaarik keyse Fooje .

    Muran Qaatay in ka badan Labba Sanno Oo daaranaa Sidii Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muran Qaatay in ka badan Labba Sanno Oo daaranaa Sidii Somaliland
uga Dhici lahayeen Doorashooyinka Golaha Wakiilada , iyo Deegaan ka Oo Labaduba Muddo dhaaf ku Fadhiya ayaa dhawaan laga Heshiiyay .

 

Waxii hor taagnaa marka Si miir qabta Loo wada Xaajoonaayo waa Muran madhalaysa iyo ku jiq Sii aan Dalka iyo Dadka u dan ahayn  taaso sababtay in labadii sanno ee Xukuumadda Muuse u weydoo Xal Arimha Doorashaddan .

 

In kastoo Dib u dhaca anaan ku eedayn karahayn Xukuumadda Oo kali ah hadana waxa jira Door Muuqadda oo Xisbiyadda Mucaaridku ku leeyihiin Dib u dhacii Doorashooyinka. 

 

Is kuso wadda duubo  Heshiis u baahan dhawrid  kabid sharci  oo u Muuqadda mid wax kasoo Noqon karaan hadaan Daacad laga Noqon ayaa lagu heshiiyay taaso in badan Oo Bulshadda Somaliland ahi u hanqal taageen is badal dhaca oo ah doorasho 

 

Hadana hadii heshiiska daacad laga ahaaddo isla Sanadkan ma Dhici kartaa Doorasho Baarlamaan oo ay ku lamaantahay Doorashooyinka Golayasha Deegaanka ? 

 

Arintaas ayaa ah mid Badi Bulshadda u dhuun daloolla Siyaasadda Somaliland ay Candhuuftoodda Dib uga Liqdeen Sababto ah Diyaar Garawga laba Doorasho Oo Nooceedu ku Cusubyahay Somaliland Calashaan is raacinta waa mid u baahan Wadda Xaajood iyo iskaashi waa mid u baahan Xeerarr iyo Shuruuc 

 

Toobabaro  Dhawr Biloodda Oo Wacyigalina Gudiidda Farsamo ee Arintan ayaa yagu u baahan isla Jaanqaad iyo Diyaar Garaw ugu yaraan Sagaal Bilood (9) inay Diyaar Garoobaan 

 

In Xeerarka Gudidda Koomishanka iyo Gudidda Farsamadda Oo Doorashadda Qabanaya la kala Xadeeyo Awoodahoodfa si aan faro Galin uu khilaaf ka dhashaa u imaan 

 

 

Hadii intaa la sameeyo waxay Somaliland Doorasho Qurux badan ka dhici kartaa horaanta 2021 ilaa Bisha March ama May Xiliyadda balse Doorasho ma dhici karto isla Sanadkan Gudihiisa 

 

 

 

Mubaarik keyse Maxamed 

 

Hargeysa Somaliland 

 

Email [email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...