'' Political Mathematics ''

0
Saturday March 07, 2020 - 08:38:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Political Mathematics ''

    Siyaasadda waxay ku socotaa xisaab iyo qaaciidooyin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasadda waxay ku socotaa xisaab iyo qaaciidooyin loo raaco ka sal-gaadhista ujeedooyinka lagga leeyahay , kuwaasoo hadba laggu saleeyo wadciga jira iyo duruufaha la xidhiidhsan .


Salaasaddii dhawayd markii ay soo baxday natiijaddii Super tuesday ee Maraykanku , Sanders wuxuu ku eedeeyey in musdanbeedkii xisbigu dhaqdhaqaaqeen , isagoo uga danlahaa in uu ka xanaajiyo dadwaynaha kasoo horjeedda nidaamka xisbigga Dimuqraadiga , Joe bidden oo natiijadaa difaacayaana wuxuu yidhi , Blac American are not establishment , isagooo uga danlahaa in taageerayaasha kasoo jeedda Maraykanka Madoobi ay u codeeyaan .



Dhinaca kale , Hadalka Abby Ahmed jeediyey ee uu kaga hadlay xuska Dagaalkii 1977 , ujeedada siyaasadeed ee uu ka leeyahay waxay tahay in uu helo taageeradda Amxaaradda iyo shucuubta koonfureed oo u janjedha Amxaaradda , maadaama doorashooyin soo socdaan , Orromaduna ay ka kala qaybsan tahay .


Dagaaladda ka socda Galmudug iyo Geddo ee ay waddo Xukuumadda Farmaajo , ujeedada lagga leeyahay waa in xukuumadda oo waqtigeedu sii dhamaanayo loogu hello muddo kordhin , maadaama xukuumaddu badashay xeerkii horre ee doorashooyinka , kuna badashay mid cusub oo ah hal cod hal food, kaasoo aan suurta gal ahayn .


Si kastaba ahaatee , siyaasaddu xisaab bay ku socotaa , shirka Burcana xisaab kama madhna , Maxamuud iyo Baashana sidda wax u socdaan kama boodsana , maadaama dhergii Kulmiiye bisaylkiisu ku raagay

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...