Xanuunka COVID-19 iyo mawqifka culimadda Soomaaliyeed.,,W/Q Ahmed Ibrahim Faarax Doodi

0
Saturday March 07, 2020 - 00:39:59 in Articles by
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuunka COVID-19 iyo mawqifka culimadda Soomaaliyeed.,,W/Q Ahmed Ibrahim Faarax Doodi

    Xanuunka COVID-19 iyo mawqifka culimadda Soomaaliyeed.,,W/Q Ahmed Ibrahim Faarax Doodi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xanuunka COVID-19 iyo mawqifka culimadda Soomaaliyeed.,,W/Q Ahmed Ibrahim Faarax Doodi


Dabcan cuduraddu waa dabeeci aadanuhu u simanyahay oo aan xad lahayn.




Cuduradkani sidaynu wada ognahay ilaa hadda waxa la xaqiijiyey inuu ku dhacday dad gaadhaya 86, 992 ruux dunida oo dhan.


Waxa ilaa hadda u geeriyooday 2979 ruux, waxa ka kacay ama ka bogsaday 42334 ruux, haddi la eego khatarka uu leeyahay ee geer-sababtay (case fatality) waxa weeye 3.42%.


Inta ilaa hada la ogyahay waxa la xaqiijiyey inuu xanuunku ku fiday dalal gaadhaya 64 dal.


Hadaba si aynu u eegno cudurkan iyo mawqifka culimada Soomaaliyeed, waxa iswaydiin mudan arimahan.


1. Xanuunkani ma noqon karaa mid dalka China ciqaab u ah oo dabargoyntiisa u dabran?,, ha hilmaamin, dadwaynaha China oo dhan inta uu ku dhacay waxay noqonaysaa wax ka yar 0.00...% yacni 86,992/1.4 Billion, runtii waa nisbo aad u yar oo aan la sheegikarin.


2. Ma ka warqabaan culimadda Soomaaliyeed in March 2019, isla magaalada Wuhan sedex cilmi baadhe sii saadaaliyeen in xunuun noocan oo kale ahi ka dhilaaci doono dunida, gaar ahaan Dhulwaynaha China iyagoo tilmaamay - MARS-like, SARS-like Coronavirus inuu kasoo gudbi karo FIIDMEERTA? Warqadan cilmibaadhista ah waxa la daabay March 2019.


3. Haddii gaalo iyo mulxidiin loogu talo galay, ma jiraan dalal Islaam ah oo uu dadkooda ku dhacay oo uu laayay? Iran mala talada uguma jirto!!!


4. Sida lagu talo-jiro dhawaan waxa la filayaa in talaal loo helo, haddiba se loo helo, oo isla ciddii lagu ciqaabayay hesho maxay daarantahay ciqaabtan aad sheegteen ee aadka u liidataa - idinka ayaa ku tilmaamay inuu ciqaab yahay e.


5. Haayadda Cafimaadka Aduunku (WHO) waxay ku dhawaaqday diyaar garawgii ugu adkaa ee looga hortagi lahaa, iyada oo ka warwareegaysa isticmaalka erayga Pandemic, lkn haddiba loo aqoomsado pandemic oo uu dunida khatar galiyo, meeday qorshihii ahaa waa ciqaab diin laawaha loogu talogalay?


6. Sanadkan Sacuudi Carabiya waxay hakisay cimradii, maxaa diiday in la yidhaa cudurkani waa mid China u gaar ah?...only for China.


Ka hortaga ayaa isdaawaynta ka wanaagsan.


Qore. Ahmed Ibrahim (Dooddi), ku takhasusay cudurada faafa (Tropical and Infectious Diseases specialist).


Si aad u akhrisato cilmibaadhista la daabacay March 2019 fadlan hoos kala dag.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...