Bal Dadyahow Arintan Ka Garnaqa...W/Q Xasan Gumburaawi

0
Saturday March 07, 2020 - 00:25:42 in Articles by
  • Visits: 1088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bal Dadyahow Arintan Ka Garnaqa...W/Q Xasan Gumburaawi

    Bal Dadyahow Arintan Ka Garnaqa...W/Q Xasan Gumburaawi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bal Dadyahow Arintan Ka Garnaqa...W/Q Xasan Gumburaawi


Maalin dhawayd ayaa waxa dhacay, inta badan qoraalada ay madaxdu soo geliyaan Barahan bulshada wax fikir ah kuma darsado ilaa aan arko qoraal aan runta ka hadlayn oo aan dhibsado mooyee.

Image may contain: Hassan Gumburaawi, smiling


Maalin dhexdaasa ayaan arkay qoraal uu soo geliyay masuul xil sare ka haya somaliland weliba aan islahaa waa raga dalkan somaliland u soo kacaya ee la gorgortamaya cids ay is hayaan Somaliland.


Qoraalka uu soo dhigay wuxuu ka hadlayay somaliland ana fikirkayga waxaan ku qoray uun in Somaliland iyadu marka hore is aqoonsato oo isu cadaalad samayso, si bulshada caalamku inoo aragto in xukunka dalka loo siman yahay,


Masuulkii waynaa ee mudada dheer halkan bahwadaagta igu ahaa BLOCK buu igu jiiday, hada ku darsoo wax xun umaan qorin ee siday wax yihiin ayuun baan taabtay, waan eegayba waaba BLOCK i saaran,????waana markii iigu horeysay ee aan comment ka bixiyo qoraal uu soo dhigay,


Ilaa hada waxaan is waydiinayaa malaha masuulkaasi waa basaas u adeegaya dadka ka soo hor jeedaa Qaranimada Somaliland, sababtoo ah umaan qorin wax lidi ku ah somaliland


Masuulkan xilka ka haya Dawlada Somaliya ayaa soo qoray isna qoraal, uu kaga hadlayay imaatinkii La hadal hayay ee farmaajo inuu imanayo hargeysa,


Qoraalka aan la wadaagay masuulkaas ayaa ahaa " Haduu farmaajo Hargeysa imanayo, waa inuu haystaa kalsoonida shacabka reer somaliland waayo somaliland waxa 99% taladu ka go,daa waa shacabka xataa haduu madaxwayne muuse biixi ka ogolaado imaatinkiisa hargeysa waxa bilaabmaya Mawjado lagaga soo hor jeedo imaatinka farmaajo, intaa markaa la wadaagay masuulkii wuu igu soo darsaday ciwaankiisii, hada garoo igamuu xanaaqin


Bal hadaba waayahe, maxaa dhibay madaxdeena somaliland ee ay ula coloobayaan muwaadin kasta oo run sheega, miyaanay se qalbi jab ku noqonayn qof kasta oo dalkiisa jecel

Alle ha inoo sahlo

@Hassan Gumburaawi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...