Eexdii Uu Sameeyey Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal...W/Q Hassan Garnayl

0
Friday March 06, 2020 - 23:56:25 in Articles by
  • Visits: 2075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eexdii Uu Sameeyey Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal...W/Q Hassan Garnayl

    Eexdii Uu Sameeyey Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal...W/Q Hassan Garnayl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eexdii Uu Sameeyey Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal...W/Q Hassan Garnayl


Mashruucyadii qabyaaladdeedee midha-dhalay, ee marxuum Cigaal meel mariyey mudo xilleedkiisii waxaa ugu mudnaa Xeer No: 12. Gole keeniddiisii Wakiilada illaa dhaqan galintiisii waxaa kaliya u dhaxaysay mudo laba usbuuca! "Dheereeye maxaa siday?" ayuu yidhi Maxamed Cali Kaariye. Nuxur badani kuma jirro in labada kastam ee dalka ugu weyn loo asteeyo Berbera iyo Gabiley, laakiin sirta iyo qorshaha Cigaal astaynta labada Kastam uga dan lahaa waxaa kashifay qodobka 14(1) ee xeer No:12.

Image may contain: 1 person, indoor


Qodobka 14(1)aad waxay odhanaysa siddan: "Degmooyinka Kastamadu ku yaaliin waxay xaq u yeelanayaan in W/Maaliyaddu u qaado (10%) oo ay ku yeelanayso Cashuurta Guud ee Dawladda Dhexe (Customs Duty) ka qaado furdadaasi." Waa tahay.


Marka la tix-raacayo dakhliga Dawladdaha Hoose ka soo gala cashuuraha si isku mida sharcigu u siiyay ee ay maagaallooyinkooda ka qaataan, waxay u kala dakhli badan yahiin sidda ay magaallaba magaallo uga weyntahay ugu na dad badan tahay. Laakiin xeerkan Cigaal ee jideeyay in degmooyin gaar ahi si toosa dakhli uga hellaan Dawladda Dhexe, wuxuu sababay in Berber iyo Gabiley oo leeg xaafaddo ka mid ah Burco iyo Boroma, ay haddana 4 jeer ka dakhli bataan, illeen kiishadii Dawladda Dhexe ayaa looga gacal miisayaayee. Waxaa xusid mudan in kabka 12.5% ah ee ay Dawladda Dhexe siiso D. Hoose ay dhammaan degmooyinku qaybsadaan macaal Berbera iyo Gabiley, laakiin 10%-gu waa u gooni Berbera & Gabiley.


Xeerkan uu Cigaal ugu sedburinaayo degmooyinka ay hayb ahaan wadagaan, maxsuulkiisii wuxu noqday in dakhliga ay ku shaqeeyaan afartaas magaallo siddan kale noqdaan: Berbera ($12.8M), Gabiley ($4.1M), Burco ($3.5M) Boorama ($2.6M). Hargaysa oo magaalo ahaan intooda isku leegi waa $14 Million, halka ay Berbera ka tahay $12.8 Million. Wax weyn ee qaldan indhahaaga ayaad ku aragtaa; bal dib u fikiroo, Soltelco iyo Ciddin keebaa wax qabad fiican? Berbera oo leeg xaafad ka mida Hargaysa ayuu Ciddin dakhligaas leeg ka Hargaysa oo dhan ku maamuulaa!


Barnaaamijkii falaqayanta miisaaniyadda ee ay 9 January ISIR Think-thank qabatay, Wasiir Sacad laba jeer ayaa la weydiiyay su'aal kiiskan la xidhiidha (Ka hubi qaybta 3aad daqiiqada 7aad iyo qaybta 4aad daqiiqada 23aad). Nasii darro waxay noqdeen kaliya labada su'aallood ee aanu Sacad ka jawaabin wixii su'aal la weydiiyay oo dhan. Inta aanaan u galin ujeedada uu Cigaal ka lahaa Xeerkan (Xeerka Tacriifada Midaysan ee Cashuuraha Dawladdaha Hoose.) aan cadeeyo in aanu kastamku ahyn kheyraad ay degmo gooni u leedahay si ay uga hesho xuquuq gaar ah. Kastamku waa check point dawladdu wax ka cashuurto; waa wax kolba halkii doono loo rari karo. Halkan ka akhri qoraal oo aan hore uga sameeyay mowduucan https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2509267095803983&id=100001621504742


Alle haw naxariistee madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, xeerka wuxuu uga dan lahaa saddex qodob.


1. In dagmooyinkaasi uu ka soo jeedaa ay hellaan dakhli badan si ay wax qabad ka balaadhan ka dalka kale looga hirgaliyo.


2. In ay noqota kiishad reerka u gaar ah, oo looga faa'iidaysan karo loollannada siyaasadda. Labada Maayir ee labadaas degmo lacag badan ayey ku bixiyeen ololahii Muuse Biixi lagu dhisaayay.


3. Ta ugu muhiimsan oo ah in sheeko la abuuro (narrative) nuxurkeedu yahay in labadaas degmo dalka kale ka hodan sanyahiin, laguna ixtiraamo dakhli soo saarkooda, iyaguna ay meellahaas kaga faanaan: annaga ayuun buu cashuur bixiye ah, dad kale qaranka waxba kuma taraan. Cigaal qab ayuu beerayay. Arrinkaas wax badan ayaa ugu hir galay.


Ugu dambeyn, this is Cigaal's letter of visionary.

Hadda galabta sheekada
Waxaan uga gol-leeyahay:
Samihiyo is garabsiga
Berri yaan la gees marin!

Hadraawi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...