' Nin laggu seexdoow ha seexan ''.W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Friday March 06, 2020 - 10:13:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ' Nin laggu seexdoow ha seexan ''.W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Waxaa maanta kulan ku yeeshey Magaaladda Islamabad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta kulan ku yeeshey Magaaladda Islamabad
ee caasimadda wadanka Pakistan Taliyaha guud ee Ciidanka Cirka Wadanka Pakistan Cheif Mujahid Anwar Khan iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Brigadier Genaral Mohamed Sheikh , kulankaas oo ahaa mid albaabuddu u xidhan yihiin .

Sidda ku xusan warsaxaafadeed kooban oo laggu faafiyay Mareegta wararka ee Radio Pakistan , labadda dhinac waxay ka sheekaysteen xidhiidhka taariikheed ee u dhaxeeya sooyaalka iskaashigga labadda dhinac iyo horumarka ay Pakistan ka samaysay dhinaca ciidanka Cirka .



Ugu danbayn waxaa laggu sheegay warsaxaafadeedka in Pakistan u balanqaaday Soomaaliya in ay ka caawinayso dhinaca tababarka ciidanka Cirka .


Si kastaba ha ahaatee , Dawladda Soomaaliya oo aan lahayn Ciidan cir tan iyo 1988 markii diyaaradihii Soomaliya ku burbureen Dagaalkii dhexmaray ururkii snm iyo kuwii Soomaaliya ayaa dadaal wayn ugu jirtay mudooyinkii lasoo dhaafay sidii ay u samaysan lahayd ciidan cir .


Dhinaca kale , Taliyaha ciidanka Cirka ee Soomaaliya , Gen Mohamed Sheikh ayaa ah sarkaal ruug-cadaadiya oo kaso baxay kuliyadihii Midowga soofiyeeti iyo Ciraaq oo uu kusoo qaatay culuunta hogaaminta sarre ee ciidamada Staff College .


Sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in Somaliland si dhaw ula socoto dhaqdhaqaaqyadda Mogdisho iyo diyaar garowga ay ku jiraa mudooyinka danbe , murtiduna waxay ku leedahay , Nin laggu seexdoow ha seexan

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...