Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.10naad (Abdi-Shotaly).

0
Friday March 06, 2020 - 09:57:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.10naad (Abdi-Shotaly).

    Illaah janadiisa fardawsa ha waraabiyo Cabdilaahi Suldaan Tima-cade

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Illaah janadiisa fardawsa ha waraabiyo Cabdilaahi Suldaan Tima-cade
wuxu yidhi " Dambar-keedi maandeeq nimaan doonin baa dhamaye" Waa run ee miyaa loo sii wax-yooday ( Illaah haw naxariisto) Waxan uga socdaa, kuwii dabada xaska gelin jirey, ee marka ay higtu yeedho, " Habuura iyo Xarshin u laxoox doonan jirey" baa maanta ku faana magaca ay cidla ka heleen oo isugu yeedha Mujaahidnimo, Haduu Magacaasi naf lahaan lahaa, oo uu hadli lahaa, isaga oo nool buu is xabaali lahaa, waa-se nasiib darro, oo horaa loo yidhi " Geeriyi nin meel waayey bay meel u baynaysaa" Ujeedo iyo haatan, Waxa aynu ka soo bilawnay cinwaankan sidda aad ula socotaan-ba, ilaa iyo maalintii ay labadan qaneecaad laawe ( Waa Rggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximane) Ay lahaaheen waxan ku soo biirnay SNM, Waxay ka qabteena ay ahayd isku dir iyo in ay Xiniin-yaha jiidaan ragii halganka dhabta ah ku jirey, Sidda Maxamed Cali, Koodbuur, Axmed Mire, Aadan Cade, Lixle, Dhega weyne, Koosaaar, Cabdiraxmaan maxamed case, Xasan kayd, Ina Habane, Ina Saleebaan weyne, Ina macalin Haaruun, Harag waafi, Xandule, Mohamed Mooge, Ibrahim Layla, libaaxo, Mujaahid Qalinle, Jaamac Cali Cilmi iyo tiro kale oo aan qalin lagu soo koobi karin, af-na lagu dhamayn karin ( intii ku shahiiday Halgankii SNM illaah janadda ha ka waraabiyo, inta noola sidda Dhega-weyne iyo Axmed Mire) Rabbii caafimaad iyo cimiri dheer ha siiyo'e iyo inta kale ee meela-haas ku silcaysa-ba, Qaybtan oo ah gabaga-baddii,  waxad hoos ka akhri-daan, fal-denbi-yaadkii wadda cadaanka ahaa, ee uu ku kacay Raggii ma adigaa ka hadhay, Wax uu taro iyo halgan uu galay ha joogtee, waana kuwan ee ku soo dhawaadda:-


(a) Waxa markhaatiggii la hayaa, in uu askarigu yahay, kii faqashta sii war geliyey, In uu Mujaahid Lixle Dagaal ku soo qaadaayo Ciidankii Burco-Duuray fadhiyey ee Faqashta, laba cisho ka dib, ee ay ka sii diyaar-garoobeen, halkiina uu ku Shahiiday ( Illaah ha u naxariisto'e).
(b) Maxay beeni tari la dhoob-dhoobaa, Wuxu ahaa kii ka danbeeyey Xasuuqii Gobolka Awdal ee boorame, dilla iyo agagaar-keedda, weli-giiba ha dafiro'e. isaga oo u qaba nacayb reer ahaaneed iyo colaad u gaar ah oo shakhsinimo.

(c) Siilaanyo ( Illaah Caafimaad ha siiyo'e) Waxa Xanuunka ku riday labadan askari, waad la soco-teen intii uu bed qabay, waa kii ka gami waayey " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo kan uu iska wato, ee sidda awrka u rarto ( Waa geenyo shaaximane), ilaa weli-giina  dhibaatadda way ku hayeen oday-ga, marka laga soo bilaabo wakhtiggii uu gudoomiyaha ka ahaa SNM, ee ay jid-gooyadda ku sameeyeen si ay u dilaan Siilaanyo, waa halkii ay ka bilaabeen in ay midh-midh u laayaan madaxdii SNM ( haddii ay u suura gasho), Rabbi kama dhigine, qaarna waaba loo tirinayaa aan madma-daw ku jirin.

(d) Waxay ahayeen Kuwii markii uu Noqday Siilaanyo madax-Weynaha Hargeysa ku qarxi-naayey " Shaanidda" ee soo abaabuli jirey mudaaharaadda ay dadku ku dhinteen ( iimaanka Alle ha ka qaado'e).

(e) Madax-Weyne Daahir Riyaale, isna waad la socoteen inta jeer ee ay isku dayeen in ay af-genbiyaan, iyaka oo reer ahaan u haysta, laakiin ay ka hor joogeen Ummadda reer Somaliland, oo ay u mari waayeen, markii la yidhi car taabta, xataa ay u samays-teen Ciidamo beeleedyo u gaar ah, laakiin ay faraha kala bixi waayeen Shicibka.

(f) Waxay ahaayeen kuwii khal-khalka geliyey Somaliland, oo markii lagu dhawaaqay-ba ku abaabulay dagaalkii maryo-aloolka, Calaa-shaan Garxajis baa ka madax ah, SNM 90% waxa waday "Arab, Ciise Muuse Iyo Garxajis " oo ahaa kuwii fal-galadda fulinaayey, sidda kii Muaahid Koodbuur" uu kula baxay Ina askar, waxa la xaqiiji-nayaa, kii soo sheegay, in uu ku soo direy " Raggii ma adigaa ka hadhay" Dhega weyne oo Galay Buurta-Sheekh, Lixle, C/rahmaan Maxamed Case, Xayd, Sumuni oo galay Jeelkii Mandheera, Cawil cadami oo Soo af-duubay Somali Airline-tii, Haraga-waafi oo Axamaaraddii kala baxay Dhakhtarka Burco. Aadan cade oo galay Xaruntii Bir-jeex ee ugu weynayd Ciidankii 26aad ee af-lahaarkii Ina Bare iyo Illaah janadda ha waraabiyo'e, Weeraraddii is daba jooga ahaa ee Maxamed Cali, kuwaas oo aan mar qudha is taagin intii uu  halganku socday ( Ilaah janadda fardawsa ha ugu deeqo intii noo shahiiday dhamaane).

(g) Waxa la yidhi Simbiri maalin bay dab qaaday, ayaan-tiina uun alle bay gub-taye " Geenyo shaaximan" Maalin buu is yidhi magac ku doono, oo dagaal geliyey SNM, weliba uu aamini waayey Ciidankii uu watay, oo ay Axmaaradu ku soo dartay, ciidankii Tiknikadda u ridaayey, wixiiba waa tii lagu qab-qabtay Bali-dhiig, ee uu faro cidi leh kaga baxsaday in gacan lagu dhigo, orod-kiina waa kii Habuura ku tegay isaga oo kun-kuunsan, oo siddii fud la tuurey u ganan, leh i-bixiyaw i-bixi, Askartii Axmaaradda ee la qab-qabtay, waa kii Harag-waafi (Ihun) iyo koox uu wata ka tirsan SNM, sidda aan ku sheegay sare ay kala baxeen dhakhtarkii isla maalin labaad-diiba, meel dambe oo uu cidhib iyo raad dhigay Geenyo shaaximani lama arag, maantana waad aragtaan faan-bilaashka ka dhacaaya.

(h) Bal Geenyo Shaaximani, isagu mar baabu wax isku deyaye, Kan Xanuun-sanaaya, dawkhsan, cudadaysan ee bukaa, bal isagu ha sheego, halka uu sakaaro ku soo dabay, weliba waxa loo haystaa in uu ka dambeeyey, dilakii Adan Shiine, Cawil Cadami, Koosaar, qabashaddii Ina askar-na, isaga baa ku lug lahaa, oo direy kii soo sheegay iyo qara kaloo badan, wuxu hoos ula shaqay-naayey Af-weyne, hadana uu dafiraayey, sidda imika uu ula shaqaysto Ka Mareexaan ee Xamar ( Farmaajo), misna uu afka boodhka soo marsanaayo, iyadda oo si cad loogu hayo, weliba meel kale uu rabo in uu ummadda farta ugu fiiqo.  kana go'ay oo beenaale ahe.

Sarbeeb baa wxay ahayd, oo dadka sidda askariga ah loogu maah-maahaa "Hebel kal baqa buu leeyahay, ee kal xishoodda ma laha" kana ilaa afka laga laado, ma joog-sanayao, Xaqiiq-ddii waa sidda uu yahay kan meesha bood-boodayaa, In indhha lagu dhufto mooyee dib isuma taago. Waxa la yidhi " Muruq isma qariyo" Waxana looga jeedaa meel haduu muruq kaa galo, isla markiiba wuu soo boodaa, sidoo kale " Raggii ma adigaa ka hadhay" Wax-ba yaanu is yeel-yeelin, waa la og-yahay wuxu yahay iyo in aanu bed qabine, weli-giina dagaal uu gallo daayoo, aanu deero saxar ku tuurine, Dagaalkii Marya-alool-kana, markii uu ogaaday Marxuumkii ( Ihun) Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waa kii eryey, ee yidhi kani "faaruquu ku eryayaa" Oo goror-ba madaxa Rabbi uguma shubin. Waad la socotaan imikana wuxu ku andacoodaa, waxan ahay oo uu sheegtaa wax la yidhaaho Mujaahid ( oo ah magac uu raga sare ku yaal uu iska lahaa). Waxan Ku soo xidhay, Wadaadkii waalaa ee la odhan jirey " Ina Cabdalle Xasan" baa waxa laga hayaa " Nin-ba wuxuu qabo, buu qardho la iman doonaa" Waxan uga socdaa uga dambayn, kani waa bilaa maskax aan lagu soo dhawaan, dadka qaar-kiina waxay leeyihiin, waabu ku dhashaye maxaad kaga daalay-saan waa kii uune " Doofaar-waa-doofaar uun" oo isma dhaqan gediyo, magac kaste oo loogu yeedho ama uu isu bixiyo, wuxu ku dambeeyaa " Nin qoyani biyo iskama dhawro" ee wuu iska salaqasadaa siddiisii, oo dameer ci ma daayo, markuu cawska cunoo, waa cayn-kaad ku ogayd, cidla uu dharaqaamo, hadba cayn u ciyo.

 * N.B  Dambar-Keedi Maandeeq, Nimaan Doonin Baa Dhamaye!
QoRE:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...