Soomaalida Iyo Guurka Q1aad:

0
Friday March 06, 2020 - 09:45:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Iyo Guurka Q1aad:

    Guurku waa heshiis dhex mara laba qof oo is calmaday inay nolol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guurku waa heshiis dhex mara laba qof oo is calmaday inay nolol
wadaqaataana doorbiday iyagoo ku salaynaya guurkooda shareecada islaamka.


Guud ahaan umadii soomaliyeed ee hore waxay lahaayeen xeerar iyo caadooyin ugaar ah oo ay kaga duwanaayeen umadaha kale ee aduunka ku nool.


Barbaarkii soomaliyeed intaanu guur u xidhxidhan wuxu maanka ku hayn jiray inu doorto gabadh kasoo bixi karta ama kasoo dhalaali karta hawlaha ku aadan dhinaceeda kuwaas oo ah qaar  caraab ama dhibaato badan hawlahaas oo aan nasiino u baahnayn.


Qoyskii hore ee soomaliyeed ee reer miyiga ahaa wuxu ku dhisnaa hawl wada qabashada sayga iyo gabadhiisa, hadii labadooda mid ahaan hagrasho ka timaado wuxu qoyskaasi noqon jiray mid gabal u dumay.

 

Abwaan soomaliyeed oo inoo cadaynaya in waxwada qabashada xubnaha qoysku ay tahay arin reerku ku dishnaan karayo laakiin hadii mid kamid ah laba qof hagrasho ka timaado waxa si fudud udheeliyaya hanaankii iyo socodka dhismaha reerka waxaanu yidhi abwaankaasi:


— Hadii aad haayir iyo maalik tahay hagar la’aan xooga

— Oo haadka duuliyo sida haatufka u roorto

— Asaan reerka hoos laga dhaqayn kaama hawl baxo

— Haantaan gun loo tolin biyuhu ku hakan maayaane.

Sidii dhaqanku ahaa xubnaha qoyska hawshu waxay ugu kala qaybsanaayeen sidan soo socota:


SAYGA(NINKA): waa ku hawsha sare ee qoyska waa dhaqaalaynta xoolaha qaybtooda ishinka loo yaqaan iyo u sahamintooda, ceel u qodidooda, aroorintooda, dar iyo waadaan u samayntooda, waraabintooda, diraacaha iyo waqtiyada kul kulul hayaamintooda iyo geedi galintooda, xeryo u dhigidooda iyo col ka hayntooda.


OORIDA (GABADHA): waa ku hawsha hoose ee reerka waa dhaqaalaynta adhiga iyo maqasha, dhismaha aqalka, iyo samaynta saabaanka uu ka koobanyahay, sida hanta iyo dhiisha, dhigta iyo raarka, jilka iyo udubka, adabta iyo xarshinta, sidoo kale waxa hawshooda kamid ahaa lulida caanaha iyo subag kabixintooda, bislaynta xoolaha uu reerku maantaa qasho ama marti soo tamadisay uu u loogaayo, waxa kale oo shaqadeeda kamid ahaa indho ku haynta dhaqan galka agabta uu reerku ku ku shaqaysto.


Waxa intaaba ka cuslayd oo hawshooda ugu muhiimsanayd korinta dhalaanka iyo daryeelkooda tan iyo maalinta ay ciidan ka noqoyaan oo ay xoolaha raacayaan Lana dibad baxaan.


Sababahaas dartood intaanu guur u xidh xidhan wuxu barbaarku u kuur geli jiray hawlahaas adadag inay tahay qof kasoo bixi karta iyo inkale, intaadu geelu jecelyahay yarad u bixin, wuxu ku dadaali jiray inay gabadhu u qalmi karayso, inay xoolo aqoon tahay, gaari falsan tahay, reerkana ay ku filnaan karayso maalinta uu isagu meeluun u safro amaba u sadcaalo.


Talooyinka ma guuraanka ah ee guurdoonka la siin jiray waxa kamid ahaa (dhaban waa dhamaadaaye naag dhaqasho leh), taas oo ah murti dhaxalgal ah oo wiilka guurka doonaya loogu sheegi jiray in aanu dhaban eegin ee uu xusho qof dhaqasho leh.


Marar badan iyagoo kula talinaya in aanu degdegin ee uu ka fiirsado gabadha uu guursan doono ayey ku odhan jireen (hebeloow guur waa kole’ ka fiirso) taas oo muujinaysa sida ay dadkii hore u necbaayeen in gabadh aad si fudud ku guursato dabadeed aad ka qoomamooto kuna hamido in aad mar labaad guursato.

 

6.1: Soomalidu waxay lahaayeen guur dhowr nooc ah sida:

v Guurka  tooska ah

v Guurka dhaca ah

v Dani ku baday

v Heerinka

v Bogsiinta.

GUURKA TOOSKA AH:

Guurka tooska ahi waxa uu ukala baxaa laba qaybood  isasiin iyo xulasho.


v Isasiintu: waa marka labada oday ee kala dhalay wiilka iyo gabadha ay isla gartaan inay isa siiyaan wiilka iyo gabadha.


v Xulashaduna: waa marka wiilka iyo gabadhu ay u heshiiyaan si toos ah isagoo midba ka kale ku qanacsan.


v GEED FADHIISI: geed fadhiisi waxa uu ahaa guur caado soo jireen ahaa waana guurka umada soomaliyeed iyo umadaha kale ee islaamka ah ay wadaagaan kana siman yihiin.


geed fadhiisigu wuxu ahaa in inanta reerkooda loo yimaado dabadeedna laweydiisto inay inanta siiyaan, sida dhaqanku ahaan jiray lays kuma diidi jirin inan loo soo geed fadhiistay ee waa la siin jiray wiilka gabadhaas soo doonay, iyagoo qolada wiilku goobtaa ay  kaga dhawaaqi jireen yarad waxa ay bixinayaan iyo waxa waxa ay ku muunaynayaan hooyada inanta dhashay.


Waxaana inta badan hablihii hore wax laga bixiyo ugu wacnaa geel badan oo mararka qaarkood Kadin gaadhayey iyo fardo wada baxdow ah iyo qori maandhiin yare ah.


v LA TEGIS: waa nooc labaad oo kamid ahaa guurkii umada soomaliyeed ee hore iyo ta maanta joogtaba.

Waxaanu ku dhisnaa heshiis inanka iyo inantu ay wada gaadhi jireen kaas oo markaas inanku gabadha uu sidaa kula tegi jiray reerkoodii, dabadeedna halkaas loogu meherin jiray iyadoo hibadii la kala  qaatay oo waligeedii uu inanta bixiyey, dabadeedna meherka ayaa ku xigi jiray oo ay sidaa ku noqon jireen qoys dhisan oo dhaqan.


v DHABARGARAAC: waa nooc kamid ah guurkii umada soomaliyeed ee hore ahaana caado aad u adag.

Dhabargaraacu waa gabadha oo aan doonisteeda waxba laga weydiin, khasab lagu kaxaysto dabadeedna inta wadaad lala raadsado la mehersado.


Marka aad fiiriso noocyada kala duwan ee guurka soomaliyeed waxa ugu heer sareeyey dhabargaraaca, iyo geed fadhiisiga.


Gabadha lagu guursado dhabar garaac waxay ahayd mid qiimo ahaan aad uga saraysa dumarka kale ee siyaabaha kale lagu guursaday, sidoo kale wiilka ay dhashaa gabadha dhabargaraaca lagu guursadaa wuu ka amaan badnaa wiilasha ay dhalaan dumarka kale ee noocyada kale ee guurka lagu guursado.

 

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

[email protected]                      Ama 0634240189

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...