S.N.M, Intii Ka Soo Hadhay- Maxay Ku Doorsadeen Somaliland-Tii Ay Usoo Halgameen.

0
Friday March 06, 2020 - 09:23:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    S.N.M, Intii Ka Soo Hadhay- Maxay Ku Doorsadeen Somaliland-Tii Ay Usoo Halgameen.

    Caqliga Ma Gashaa Inay Wada Carab Beelaan Mar Qudha !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caqliga Ma Gashaa Inay Wada Carab Beelaan Mar Qudha !


Marka ugu horeysa umaddu waxay qiraysaa sharafta iyo karaamada ay u hayaan mujaahidiintii u soo halgamay qarankan Somaliland. Waxa aan wakhtigan indhaha laga lalin Karin in wadankeenu marayo marxalad cakiran oo u baahan in wada tashi umaddeed lagu furdaamiyo halis ku soo wajahan.



S.N.M waxay u soo halgamaysay in ay ka midho dhaliyaan rabitaanka shacabkooda, wax iyada u gaar ah, ma ay wadan. Halgankiina ma gaadhin halkii yoolkiisu ahaa. Sabab, markaa halgankii loogu kala weecdana Meesha ma yaalo. Wali waa halkiisii.Waxaase wahktigan layaab noqotay oo muuqata in S.N.M iyo umaddii la kala qaybiyey, iyadoo kala qaybintaa loo aanaynayo guno yar oo mudakarkii mujaahidiinta, hoos ahaan loogu qoray. Waxaad maanta arkaysaa raggii ugu waawaynaa halgamayaashii qarankan, marka ay ka soo muuqdaan warbaahinta, in ay u wada muqdaan sidii dad rahman oo habrasho ba’ani ka muuqato, oo dan mooday in ay iswada carab tiraan, si aanay qasab ugu noqon in ay dul istaagaan, fartana ku fiiqaan halka ay wax ka qaloocan yihiin ee dhabta ah. Waxaabay doorbidi lahaayeen in aan waxbaba la weydiin. Cajiib!


Hadda umaddu way la jeceshahay in ay daryeel, wuxuu doonaba ha ahaadee, ay helaan dadkii qarankan u soo dagaalamay. Waxayse ahayd xalaal iftiin baa la qashaa eh, in sharciga la mariyo, oo aan si suuq madow ah, kolba inta qof-qof, ama kooxo la idiinku yeedho, wax la idiinku qarin. Maxaa qarinta keenay? Hadaad runta sheegtaan, intii yarayd baa idinka joogsan, Somaliland way idinkala hanwayn tahay, mana aha waxii aad naftiina u soo hurteen, waar ma gaydaan. Istaaqfurulaysta oo isha kubadda ha ka qaadina. Sidaasaad haybad ku leedihiin. Xalaashada gunadan yar ee kalida iyo qarsoodiga la idiinku qoray, si aydaan kaalintiina aad ku leedihiin qarankiiana u banaynin. (nin lagu seedow ha seexan). Malafsiga ha baranina. Ceeb!


Waynu ognahay dariiqii waa inagu dheeraaday, laakiin wakhti la kala leexado uma dhawin. Umadda reer Somaliland qaybaheeda kala duwani ‘samirka’ ha ku mitidaan. Guusha aynu daba soconaa ma foga, cidii doontaa ha isku daydo in ay horistaagto eh.


Allahayoow, Somaliland guusha u soo dhawee.

Abdirizak Ahmed Jama

Calgary,

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...