AKhriso Xaqiiqooyin Ku Saabsan Ciidanka Harimacad Ee Dawlada Soomaaliya Samaysatay+Sawiro

0
Thursday March 05, 2020 - 18:30:53 in News by
  • Visits: 5915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKhriso Xaqiiqooyin Ku Saabsan Ciidanka Harimacad Ee Dawlada Soomaaliya Samaysatay+Sawiro

    AKhriso Xaqiiqooyin Ku Saabsan Ciidanka Harimacad Ee Dawlada Soomaaliya Samaysatay+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AKhriso Xaqiiqooyin Ku Saabsan Ciidanka Harimacad Ee Dawlada Soomaaliya Samaysatay+Sawiro


Muqdisho(HWN):-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada ay Soomaalidu ka wada xidhiidho aad loo hadal hayaa ciidamada booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramacad, kuwaas oo sawiradooda iyo warkoodu uu qabsaday baraha bulshada.

Image may contain: 6 people, people standing and outdoor


Dad badan ayaa baraha bulshada aad u wareejinayay sawiradda xayawaanka Harimacadka iyo ciidanka dowladda ee loogu magac-daray.


Ciidanka ayaa ka qeybqaatay hawlgal dowladda ay ka fulisay xaruntii ururka Ahlu Sunnah ee magaalada Dhusamareeb, kadib dagaal ka dhacay magaaladaasi.


Ciidanka Harimacad ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidankii la geeyay magaalada Baydhaba xilligii doorashada Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale loo daabulay qeybo kamid ah gobolka Gedo.

Image may contain: sky and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, sky, crowd, outdoor and nature

Maxay yihiin ciidanka Harimacad?


Ciidanka Harimacad oo katirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.


Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho.

Image may contain: sky and outdoor
Image may contain: 9 people, people sitting
Loading...
Loading...