Maansada Guubaabo Oo Uu Curiyey Axmed Cismaan Batuun

0
Saturday February 02, 2019 - 22:13:43 in Articles by Super Admin
  • Visits: 1538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maansada Guubaabo Oo Uu Curiyey Axmed Cismaan Batuun

    Maansadan Guubaabo oo uu Curiyey Axmed Cismaan Batuun waxay Soo baxday maanta oo taariikhdu tahay 2/February/2019

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan Guubaabo oo uu Curiyey Axmed Cismaan Batuun waxay Soo baxday maanta oo taariikhdu tahay 2/February/2019
Bal hadaba 
Qof waliba fikirkii
Inta uu ka fiirsado
Ha ka bixiyo faalada
MAANSADA GUUBAABO
2019

Ged iyo waa talo aduun
Gumaysina waa jahliga
Guusbaa lagu ciil baxaa
Gashina waa laga koraa
I maal garashaa ku tidhi
Go,aanbaa yidhi ku raac
Garbaa tidhi waa sidaa
Bilaashna umaan godlane
U jeedo shinkeed galaan
Dhanbaalka usoo ganee
Intaad garataan qasdiga
Warkana aad iga gurtaan
Gaadhsiiya halkay lahayd
Guubaabo waxay ku tidhi
Gunaadbaa jira qarsoon
Faraadin gargaari karo
In loo geeyana bogsigu
Goorteeduu fiicanyahay
Ladh iyo gocashana ogow 
Markuu caashaqu guntado
Geyaankii dookh u galo
Hadaan guur looga deyin
Inaan garab joogsi dhayin
Gaabsina uu yahay cadaab
Islaam wuu garanayaa
Anoon garyaqaan is bidin
Bulshaan gaadhkeed ahee
Tixdaydoon qolo gujayn
Hadaan gutay waajibaad
Gadaal waxan soo watiyo
Gadaanka araarta taal
Gef yaan loo qaadanine
Gardaadiya oo bogtoo
Gudooma tilmaamahaa:
Maxaa ruux naga galbaday
Gadmaday oo leexdayoo
Garaadkii lagu bartiyo
Wixii gobanimo ku jiray
Intuu galay meelo daran
Giriifay tilmaanta oo
Ganbiyay sharaftuu lahaa
Maxaa hebel geesiyoo
Gankiina majeerto oo
Gayiga hiil looga rabay
Hanyare guubaabiyoo
Intuu door biday gunada
Awood ku gabood faloo
Dan gaara inuu yabyabo
Dantii guud uga hadhoo
Galladi inay tahay sidaa
U qaba oo guul is biday!
Maxaa gaan kala fadilan
Oo qaar gasariir asturan
Astaan guud looga dhigay
Intoodii gaasirnayd
Xaqiiqdu gumaysayoo
Geeraar lagu miisay iyo
Tiraab iyo gabayo lumay
Maxaa hebel geedka yimi
Xumaanta ka giigi jiray
Maantana aan kala gurayn
Gurraca iyo toos midnaba
Maxaa gar ma qaate jira 
Guddoon iyo sama ka talin
Galaangal ka jooga oo
Gufays isagoon u hurin
Goobtuu ka masuul ahaa
U guuxaya meel ka wayn
Maxaa gaban dood shalay
Gef maaha sidaasi yidhi
Garoonka markuu ka baxay
Giriifaya maanta oo
Canbaarayn guudka sudha
Maxay garabdaartu tidhi
Gaashaanqaadkaa bahdilan
Kaskiisu wuxuu u gudhay
Intuu gini qaataybuu
Run sheegis ka gaabsadoo
Wuxuu galay eedo culus
Giraan jirjiroole wado
Hadhkana labadiisa gelin
Gedida muuqay lahayd
Amaba geed wareega iyo
Sidii gabaldayaha noqay
Jiilkii la gaboodsan jiray
Markay gabadano jirtoo
Geesnaba kuma waarayee
Talada garab qudha hadii
Tirada gudub loogu raro
Tarbaa godob kuu noqdee
Bad kale inta aan gelin
Aan kuusoo gaabiyoo
Gunaanadka aan tagee
Gurmadka aynu raadinaa
Guurguurka danaysta iyo
Gucliyo hadba meel ahaw
Miyuu yahay labagardaaq
Saxnaani halkay gashaa
Gaddaasna waxaa u yaal
Gugii jiilaal martiyay
Gasiinkana looga dhigay
Gubtaanyo lasoo jarjaray
Dedaalkuna wuu gudhaa
Haduu guuraha badsado
Hortiisuna tahay gawaan
Guushana fureheedu waa
Gacmaha oo wada jiree
Hadaad ila garanaysaan
Murtida waan kuu guntoo
Garbaan ku adkeeyayoon
Ku giijiyay heeryadoo
Gorfaynta waxaan arkaa
Xadkay gudub leedehee
Waxaanse ku goynayaa
Intay garashada bulshadu
Hebelo isu guuxayiyo
Qabyaalad u goohayaan
Dalkana goleyaasha jira
Halbeeg lagu kala guraa
Gidaar reernimo u yahay
Gudina aan dhaari celin
Dibaa loo guranayaa
Xuseenoow galabta oo
garaadku hadaanu odhan
guriga waxa laga unkaa
gondaha oo ugu haboon
Dadkii loosoo gubtee
hantiyay gobanimada taal
Inay gaadhaan filkood
Umay gogol xaadhanine
Ilaahoow noo gargaar.
AXMED CISMAAN BATUUN. 2019. 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...