Reer Somaliland Gooni Isku Taag Ma Sharaysanayaan Ee Inay Beeli U Taliso Ayey Diidan Yihiin...W/Q Hassan Garnayl

0
Thursday March 05, 2020 - 16:36:18 in Articles by
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Somaliland Gooni Isku Taag Ma Sharaysanayaan Ee Inay Beeli U Taliso Ayey Diidan Yihiin...W/Q Hassan Garnayl

    Reer Somaliland Gooni Isku Taag Ma Sharaysanayaan Ee Inay Beeli U Taliso Ayey Diidan Yihiin...W/Q Hassan Garnayl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reer Somaliland Gooni Isku Taag Ma Sharaysanayaan Ee Inay Beeli U Taliso Ayey Diidan Yihiin...W/Q Hassan Garnayl


Faysal Cabdi Rooble oo Soomaalida ugu tirsan foollaadka aqoonyahankooda, ayaan dhawaan lix qormo ka qoray sooyaalkii taariikheed, siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee Somaliland (1884–2020). Faysal qormada u damabaysay wuxu kaga hadlay, arrimaha hor taagan in Somaliand aqoonsi ka hesho beesha caalamka. Su'aashan muhiimka ah, marar badan waxaan ka horeysiiyaa tu kale oo odhanaysa: "Horta Somaliand aqoonsi ma rabtaa?" Sababta oo ah, sheegashadooda mooyee, dhaqankooda siyaasadeedwaa mid u addeegaya MIDNIMO; siddoo kale hab-dhaqanka siyaasadeed ee madaxda Soomaaliya wuxuu shiidaaliyaa Gooni-isu-taagga Somaililand. Labadaba waxaa tusaale fiican u ah siddii ay ula dhaqmeen Cali Khaliif iyo Khaatumo.

Image result for hassan garnayl


Rooble wuxuu dooddiisa ku sheegay laba qodob oo waaweyn oo hor taagan aqoonsiga Somailland: 1. Inay jirraan dad badan oo reer Somaililand ah oo aan ku qanacsaneyn aragtida Gooni-isu-taagga. 2. Iyo in aanay Somaliand welli helin dawlad xoog badan oo meelmarisa dooddeeda. Haddaba ka aan u socday waa qodobka koowaad ee ku saabsan arrimaha gudaha. Qadiyad welliba jirritaankeeda iyo guusheedu waxay ku xidhan tahay inta ay dadkeedu rabaan. Waxaan aaminsanahay inta Somaililand u qabsoontay, waa inta ay dadkeedu rabeen, inta dhimanina waa inta ay dadkeedu kala maqan yahiin.


Waxaa xusid mudan, in dadka reer Somaililand ee diiddan nidaamka hadda dhisan, aanay badi sharreysaneyn aragtida Gooni-isu-taagga ee ay diiddanyahiin inay beel marti u noqdaan! Runtii waa arrin la diiddo oo mudan in laga dagaalamo. Qofka Somaililand ku tilmaama nidaam beelleed, anniga oo aan la qabin haddana kama hor yimaado, waayo wuxuu miiska keenayaa boqol tusaale oo wada runa. Ugu dambeyn, waxaan aaminsanahay in citiraafka Britian laga raadinayaa uu yaallo Badhan.


Waxa Qoray:- Hassan Garnayl

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...