Somaliland Si Ay Dunida Dhigeeda Ula Tartanto Waxay U Ooman Tahay Isbedel....W/Q Garyaqaan Jamaal Mandeela

0
Thursday March 05, 2020 - 16:30:09 in Articles by
  • Visits: 973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Si Ay Dunida Dhigeeda Ula Tartanto Waxay U Ooman Tahay Isbedel....W/Q Garyaqaan Jamaal Mandeela

    Somaliland Si Ay Dunida Dhigeeda Ula Tartanto Waxay U Ooman Tahay Isbedel....W/Q Garyaqaan Jamaal Mandeela

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Si Ay Dunida Dhigeeda Ula Tartanto Waxay U Ooman Tahay Isbedel....W/Q Garyaqaan Jamaal Mandeela


Somaliland si ay dunida kale ee dhigeeda ah ula tartanto waxa u weyn ee ay u ooman tahay waa isbedel xaga hogaamin ta ah. Waliba xaga da'da. Maanta somaliland waxa ka taliya oo xilalka qaranka intooda ugu muhiimsan gacanta ku haya waliga mid wax uu sheegtaba kooto ku haysta sideetan jiro.iyadoo qof kastaana garan karo in qofka aynigaas ah ay maskaxdii curintii iyo firin fircoonidii joojisay.

Image result for garyaqaan jamaal mandeela


Taasina waata maanta somaliland dhaxalsiisay in waxa qudha ee lagu maamulaa uu noqdayka sheekaynta xasuus hore iyo taariikho tagay.


Bal u fiirso way yar tahay in aad madaxda somailand ku aragto qof kaaga sheekaynaaya qorshe lagaga gaashaaman karo dhibaatooyinka dunida ka dhacaaya ama qof kaaga ka hadlaaya oo soo bandhigaata qorshe horumarineed oo isbedelka wanaagsan ee dunida ka dhacaaya lagula jaan qaadi karo.


Taa badalkeeda inta waaweyn ee taladu ka go'do oo dhami waa xasuus ku nool oo waxa qudha ee ay kaaga sheekaynayaan ama ay umadda ugu khudbadeeyaan waa taariikho tagay oo qof wal oo somaliland ah ka dherergsan yahay. Sida lixdankii waxii dhacay iyo waxii uu siyaad bare umadda u geystay.


Haba ka sheekeeyee xataa maalina ma raaciyaan xal lagaga gaashaaman karo in aanay wixii hore oo kale dib u dhicin.Kaaga darane nimanka waxaa sheekaynaaya ee iska oohinayaa badankoodu talaabo kasta oo ay qaadaan waa mid u adeegaysaa sidii dabinadii hore loogu dhacay qaar la mid ah lugta loola geli lahaa.


Wax kale sababtuna maaha ee odayadani marka ay waxaa ka sheekaynayaan kama aha raadinta xal qaran ee naftooda ayaa xusuus ku nool ah oo inta badan naftooda ayay raali galinayaan oo waxa ay shubayaan iyagaa ku nafisaaya. Waana sunaha kawniga ah oo hadaad u fiirsato qof kasta oo weyn waxa u badan ee uu qabtaa waa inta uu meel fadhiisto in uu ku nafiso ka sheekaynta waxii uu maqlay iyo waxii uu u soo joogay.

Iga dhan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...