Taariikh Nololeedkii Eng. Cismaan Daahir Aadan 1924-2020.

0
Thursday March 05, 2020 - 08:49:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii Eng. Cismaan Daahir Aadan 1924-2020.

    Qormadeenan maanta, waxa aynu si kooban u guud mari-doonaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadeenan maanta, waxa aynu si kooban u guud mari-doonaa,

taariikh nololeedkii Eng. Cismaan Daahir Aadan, oo kamid ahaa, aqoonyahankii bud-dhiga u ahaa dhismaha qaranka Somaliland, Eng. Cismaan Daahir, oo ku suntan halyey wax-qabad muuqda bulshadiisa uga tagay, ayaa waxa uu ahaa Injineerkii dhisay badi dhismayaasha danta guud, ee Somaliland, ee laga hirgaliyey dalka intii u dhaxaysay 1947 ilaa 2013 oo uu shaqada ka fadhiistay.



Alle ha u naxariistee Eng. Cismaan Daahir Aadan waxa uu ku dhashay sanadkii 1924 magaalada Cadaadley. Eng. Cismaan Daahir Aadan ayaa sidoo kale waxa uu heerarka kala duwan ee Waxbarashadiisa ku qaatay magaalada Madheera, halkaasi oo horaantii sanadkii 1944 uu uga soo wareegay magaalada Hargeysa oo shaqooyinkiisii ugu horeeyey oo dhinaca dhismaha ah uu ka bilaabay.


Eng. Cismaan Daahir Aadan markii uu usoo wareegay Hargeysa ee uu mudo kooban joogay, waxa uu ku biiray waaxdii dhismaha ee maamulkii Ingiriiska ee Hargeysa, isagoo iska markaasina mudo kooban ku noqday, Vice Eng-ka guud ee waaxda dhismaha. Eng. Cismaan Daahir, wakhtigaas Ingiriisku joogay mashaariicda uu dhismahooda ka qayb-qaatay ayaa waxa kamida, Qayb dhawra oo kamida Cusbitaalka weyn ee Hargeysa, Dhismihi guryaha shaqalaaha shacab eria iyo xarumo dawladeed oo kaleba.


Markii dawladii Soomaaliyeed dhalatay 1964 Eng. Cismaan Daahir Aadan, waxa loo bedelay Koonfurta Soomaaliya, oo uu ka hawlgalay waxna kasoo dhisay Mashruucii Faanoole, Warshadii Caanaha, Warshadii Balcad, Warshada Jawhar, iyo Qaar kamida cusbitaalada waa-weyn iyo xarumihii dawliga ahaa ee magaalada Muqdisho. 1969 waxa loosoo bedelay hargeysa oo uu ka dhisay masaajidka mustajaamaca ee magaalada Hargeysa iyadoo markii uu dhamays-tirayna dib loogu celiyey Gobaladii Koonfurta Soomaaliya oo uu iyagana mudo afar sanadood ah kasoo shaqeeyey mashaariic dhawra


Eng. Cismaan Daahir Aadan, ayaa hadana 1973 waxa loo soo bedelay magaalada Hargeysa wakhtigaas oo uu badhasaab ka ahaa Gobolka Waqooyi Galbeed Suldaan Bile Rafle Guuleed, oo ay markiiba isla jaanqaadeen, kaasi oo intuu uu gudoomiyaha ka ahaa Bile Gobolka Waqooyi Galbeed ay ka-wada hirgaliyeen badi dhismayaasha iyo mashaariicda danta guud ah ee gobolka.


Eng. Cismaan Daahir Aadan oo 1973 iyo wixii ka danbeeyey ahaa maamulihii barnaamijkii iskaa wax u qabsada ee gobolka Waqooyi Galbeed. ayaa mashaariicda uu ka dhisay gobolka oo qaybo badan ka koobnaa waxa kamid ahaa. Dhismihi Taalada daljirka dahsoon Tiyaatarka Hargeysa, Carwada Hidaha iyo Dhaqanka, Dhismaha Rugta Kutubta, Dhismihii Guulaadayaasha oo laga dhisay halka hada ay ka dhisan yihiin dhismaha Golayaasha Guurtida Iyo Wakiilada.


Dhinaca cusbitaalada Eng. Cismaan Daahir, waxa uu dhisay, Cusbitaalkii Ciidaanka Milatariga oo ku dhisay todoba cisho maalmihii lagalaayey dagaalkii 1977 ee itoobiya. Sidoo kale waxa uu dhisay cisbitaalkii Tb-da oo uu ku dhisay mashruucii Iskaa wax u qabsada.


Eng. Cismaan Daahir, Dhismayaasha kale ee uu dhisay waxa kamida Garoonka Hargeyda Studiom, Garoonka Timacade ee Pasket ballka iyo dhaamaan garoomadii ciyaaraha ee gobolka waqooyi galbeed. Iyo Sidoo kale, badi dugsiyada waxbarashada ee gobolka waqooyi galbeed iyo dhamaan malcaamadihii Diiniga ahaa ee dagmooyinka Hargeysa.


Eng. Cismaan Daahir, Mashaariicda kale ee caanka ah ee uu dhisay waxa kamida Biyo Xidheenka Hargeysa, Xaruntii Haleya, Kawaankii Xoolaha ee Hore ee Hargeysa. Markii dalka lagu soo noqday Eng. Cismaan Daahir. xiligii dib u dhisma dalka waxa uu ahaa Madaxweyne Cigaal u igmaday inuu noqdo Eng-ka guud ee dhib u dhiska iyo qiimaynta Dhismayaasha dawlada ee dumay isagoo isla markaasina ka bilaabay, dib u dhiskii dhismaha Madaxtooyada iyo Dhamaan Dhismayaasha Wasaaradaha iyo xarumaha dawlada, Dugsiyada Waxbarashada, Cisbitaalada iwm, oo uu dib u dhisay dhamaantood.


Eng. Cismaan Daahir, sanadkii 1999 ayaa waxa uu u wareegay oo ka shaqo galay Haayada DRC, taasi oo masuul uga ahaaa qaybta dhismaha, halkaasi oo uu ka hawlgalaayey ilaa 2013 oo uu ka qaatay rujsada hawlgabka shaqada.


Eng. Cismaan Daahir Aadan oo aan taariikhdiisa wax-qabad qormo iyo laba-toona lagu koobi karin ayaa waxa uu ku sun-tan yahay, naftii hure hal-abuur ahaa oo ummaddiisa ugu hagar-baxay si daacada, kaasi oo bulshada uga tagay waxqabad dhaxal ah, oo ma-guuraan ah.


Eng. Cismaan Daahir Aadan, intii uu noolaa, waxa uu guursaday laba xaas oo u dhalay 10 caruura taasi oo ay kasii tafiirmeen 36 caruura iyadoo wadartooda guud-na ay isku noqonayso 46. Eng. Cismaan Daahir, 14 Jan 2020 ayuu ku geeriyooday laguna aasay magaalada Hargeysa, oo aas-qaran laagu sameeyey.


https://www.youtube.com/watch?v=ZM0yNsMM2Wc

Miyir Cali Xuseen

Email: [email protected]

Moble; 0634046313


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...