Shirkada imaaraatiga ah ee Five Z Livestock LLC ayaa fashilantay oodib ugu soo celisay Xoolo ay ka rareen Dekeda Berbera 11/1/ 2020.
Waxaa mareegaha Somaalida ka akhrisateen in dhawaan Xoolo gaadhaaya 3016
oo neef Dekeda Berbera dib lagu soo celiyey kadib markay ku bakhtiyeen Doonidii xoolo gaadhay
1684 oo neef. Arintani waxay god madow ku riday
bar bilowgii sumcadii Xoolaha Somaliland oo mudo xidhnaa lana
rajeynaayey in dawlada imaaraatigu suuqyo u raadiso. Waxaan Shacabka
Somaliland u soo ban dhigayaa sifaha xoolahaa dib loogu soo celiyey iyo
sida ay wax u dhaceen:
1- Waxaa shirkad la magac baxday
Five Z Livestock LLC dhamaadkii sandkii hore ee
2019 laga diiwaan geliyey Caasimada Hargeisa ee
Somaliland taas oo heshiisyo qarsoodi ah la saxeexatay dhowr
shirkadood oo ay ka mid tahay shirkada heshiiska ka noqotay ee
Daiba Establishment For General Trading iyo
shirkado yar yar oo kale oo dhawaan dhalad ah oo ujeedooyinkoodu
yihiin in ay qiime aad u hooseeya ay ku kala iibsadaan xoolaha
Somaliland ee Suuq la'aantu haleeshay.
Waxaa shirkadahani ku heshiiyeen:
1- in Xoolaha lagu xareeyo Maxjarkii Al Jaabiri ee Berbera ee
Sacuudigu lahaa oo hada imaaraatigu ula baxeen maxjarka Sacuudiga iyo
imaaraatiga.
(
The quarantine station of the Saudi Emirati Company in Berbera)
2- Waxaa lagu heshiiyey in Xooluhu ku jiraan Maxjarkaa mudo ugu yaraan bil ah laakiin arintaasi may fulin.
3- Shirkada
Five Z Livestock LLC waxaa masuuliyiinteeda imaaraatka ka mid ah
Suldan Al-Ahbabi kaa soo ka hoos shaqeeya ninka masuulka ka ah Xidhiidhka dawlada imaaratiga iyo Somaliland
ee lagu magacaabo
Mr Mohamed Rashid oo loo yaqaan
(Abu Rashid ) isaga laftiisu waa gacan yaraha
Sheikh Mansoor Bin Zayed oo ah ku xigeenka Raiisal wasaaraha dawlada imaaraatiga (UAE)
5- Waxaa shirkadaasi Xafiiska ay Somaliland ka furatay masuul uga ah
Suldaan Abdullah Saeed Alrisheedi.
6- Waxay ku heshiiyeen shirkaduhu in kharashka isticmaalka maxjarka oo ahaan jiray
$4 neefkiiba in la laban laabo oo laga dhigo
$9
7- Waxay ku heshiiyeen in Suuqa xoolaha ee Somaliland oo ahaa suuq xor ah in ay isbaaro udhigtaan oo iyaga loo xidho
8- Waxay ku heshiiyeen in ay neefka Somaliland ay ku iibsadaan ugu badnaan
$60 halka suuqa xoolaha ee Puntland uu yahay suuq xor ah oo neefka qiimahiisu gaadho
$90 taas oo bilihii ugu danbeeyey
10 Doonyood oo xoolo ah laga soo raray Maxjarka Boosaaso oo imaaraatka loo iibgeeyey. Maxrajka Boosaaso qiimaha isticmaalkiisu waa
$5 halka Somaliland uu ka yahay
$9.
9- Waxay Shirkada
Five Z Livestock LLC ay geed dheer iyo geed gaaban ufuushay sidii ay u kala xadi lahaayeen Ganacsatada xoolaha ee reer Somaliland
iyaga mudo
5 bilood ah kolba koox huteel hoosta uga soo
xidhanaayey oo la shiraayey si ay xoolo jaban oo iyaga u xidhan u
helaan, heshiisyadan badankoodu waxay ka dhaceen
Hotel ka
Ambassador ee Caasimada Hargeisa.
Hadaba sidee wax u dhaceen markii heshiisyadaasi dhamaadeen : Waxay Dekeda Berbera bishii
11/01/ 2020 ay
ka soo rareen xoolo adhi ah oo gaadhaaya
4700 oo neef
oo ay ugu talo galeen in ay ku mashqiciyaan
suuqa xoolaha ee imaaraatiga si ay xoolaha Somaliland ka yimaada ay
qaali u noqdaan oo suuqa uga baxaan kadibna ay u qaataan Xoolaha
Puntland ee Boosaaso laga soo raro. Shirkada
Five Z Livestock LLC oo ah shirkad yar
oo dhawaan dhalad ah oo aan aqoon buuran u laheyn xanaanada iyo
dhoofinta xoolaha ayaa iyada oo isticmaaleysa awooda dawlada imaaraatiga
waxay amar dawaladeed si deg deg ah ugu rareen xoolo dhan
4700 oo neef taa soo ay Dooni kaga rareen
Dekeda Berbera, Doonidaa oo aad u koobneyd oo aan loogu talo gelin in
xoolaha lagu dhoofiyo ayaa dhowr maalmood ka dib xoolihii gaadhsiisay
Dekeda Al-Hamriya Port ee imaaraatiga, waxay Xoolahaasi ay Dekedaa ku xanibnaayeen mudo aad u dheer oo gaadheysay
36 saacadood oo aanay helin biyo iyo baad midna, taasina waxay keentay in isla goobtaa Dekeda ay ku dhintaa xoolo gaadhaaya
800 oo neef.
Markii ay arkeen in Xooluhu darab-darab u dhimanayaan ayey Doontii
ka dejiyeen waxaana ay geeyeen Beer aad u kulul oo aan calafkii xoolaha
iyo Caafimaadkii xoolaha laheyn halkaas oo ay u soo bandhigeen koox
ka mid ah ganacsatada xoolaha iibsata ee imaaraatiga laakiin ay ka
iibsan waayeen xoolihii oo darxumo badani ka muuqato. markii ay ku guul
dareysteen in ay xoolahaa imraatiga lagaga iibsado ayey hadana isku
dayeen inay Cumaan u talaabiyaan oo u iib geeyaan laakiin dawlada Cumaan
ayaa ka diidey Xoolahaa oo warqadoodii caafimaad ay dhacday, sidaas
ayaana deg deg loogu soo celiyey Dekeda Berber oo ay markii horeba ka
dhoofeen waxaana dhexda ku soo dhintay xoolo gaadhaaya ilaa
900 oo neef
taas oo tirada ka dhimatay xoolaha ka dhigaysa
1684, tirada dib Somaliland loogu soo celiyeyena waxay noqotay
3016 oo neef.
Arintan xoolaha fashilmay ee Somaliland dib loogu soo celiyey ee ay ka danbeeyeen madaxada Shirkada
Five Z Livestock LLC ayaa lala xidhiidhinayaa in ay lug ku lahaayeen Fashilaadii hore uga dhacday mashaariicdii Biyo gelinta
Xunbo Weyne ee lagu lunsaday lacagaha badan
ee malaayiinka doolar ahaa ee aan weli cid loo xidhxidhin cidna aan loo
maxkamadeyn. Waxaa iyana dhismahoodu joogsaday oo arintan
lagu xidhiidhinayaa Sadexda dhakhtar ee imaaraatigu balan qaadeen in
Somaliland u dhisaan oo hada dhismahoodu joogsaday. Waxaa iyana lagu
xidhiidhinayaa arintan heshiisyo badan oo afka baarkiisa noqday iyo
balan qaadyo been wada noqday ku waas oo ahaa mashaariicdii horumarinta
arimaha bulshada ee Somaliland iyo imaaraatigu ku heshiiyeen oo aan
waxba laga fulin taasina waxay keentay in Xidhiidhka Somaliland
iyo dawlada imaaraatigu uu aad iyo aad hoos ugu sii dhaco bilihii ugu
danbeeyey. waxaana kuu markhaati ah Saldhiga ay Berbera ka dhisteen ee
ay ka guureen.
Talo soo jeedin : Waxaa Xukuumada Soomaliland looga fadhiyaa (
A) in Xafiiska imaaraatka ay u Wakiilato shaqsiyaad aqoon iyo karti leh oo yaqaana gala-galeysiga iyo dhaqanka carabta. (
B) Waa in Xukuumadu baadhis mug leh ku sameysaa Shirkada
Five Z Livestock LLC ee godka madow ku sii riday bar bilowgii sumcadii dhoofka Xoolaha Soomaliland. (
C) Waa in Xukuumadu shacabka JSL u cadeysaa
cida mulkiyadeeda iska leh Maxjarka Al- Jibaari oo hada loo bixiyey
Maxjarka Sacuudiga iyo imaaraatiga lana dhimaa lacagta lagu isticmaalo
Maxjarka oo hore u ahaan jiray
$4 hadana laga dhigay
$9.
Fadlan hoos ka akhriso cadeymaha warbixintan.
https://www.moccae.gov.ae/en/our-services/list-of-approved-disapproved-countries-for-import.aspx#page=1
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...