Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.9aad (Abdi-Shotaly).

0
Thursday March 05, 2020 - 08:32:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.9aad (Abdi-Shotaly).

    Gabal baa u dumay ummaddii Reer Somaliland, cadceed dambe oo u soo baxay-saana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabal baa u dumay ummaddii Reer Somaliland, cadceed dambe oo u soo baxay-saana
ma jirto, oo waa sidaas oo abada ah, Markii la dhameeyey hantiddii dadka ka dhexaysay, tusaale ahaan, guryihii dawladdii hore ee shaqaalaha, Sidda kuwii loo yaqaanay Indian Line-ka, Dusiyaddii, Graoonaddii diyaaraha, dekedihii, Ceelashii biyaha ee shiinuhu u qoday, in ay ka cabaan Ummadda ku nool Hargeysa (ee geed deeb-leh), beerihii Ciidamadda Asluubta " Sidda tii geed deb-leh" ee askarigu uu ka dhigtay Guri Aabihii lahaa, ilayn waa dugaagaas aan haraga door-yaanka uga kacayn ee la rifaaya'e, oo ah gaajo-ku-raag dabo ka werwer qaba'e, cudur-na u sii dheer yahay iyo cuqdad aan dawo lahayniye, markii ay soo hurgufeen Hantiddii ma guurtadda ahayd ee ummadu lahayd (Sidda kuwa aan sare ku soo carabaabay, baa hadda in mudo ahba lagu dikaday, oo midh-midh-na looga qaadayaa dhulkii gaarka ay shicibku u lahaayeen, xaqiiq-diina waa tane u soo fadhiiso adiga oo dhiga-haaga wata ama is diidsii ama rumayso, aday kuu taalaaye, laakiin waa dhab maalin kaste aad ka daawato, kana dhegaysato war-baahinta madaxa-banaan, lagama soo daayo ta ay askartu leedahay, ee ay ugu yeedhaan magac qaran:-


(a) Halka uu Ka uuska buurani ( Dhalaaye) waa ka ay "Solteko" ugu yeedhaane, ee $250 milyan oo doolarka Maraykanka ah, uu yidhi waxan ka dhisayaa "Xaafad-tooyo Cussub", Waa beer uu lahaa Nin Makaahiil ahi ( Waxa lahaa odsay miskiina ooSacad Muuse ah), oo u sodog ah " Af-dulaad Darayo" Waa kii Uu warfaafinta u dhiibtay, imikana uu askarigu ku yidhi " Lagacata EU-Du Biyo balaadhinta ku samaynayso Hargeysa, ii ururi cid kale ma aaminaayo'e, oo isna inan-kiisii uga sii dhigay " Injineerka Mashruuca biyo balaadhinta Maroodi Jeex". Iyaba waa yaab iyo bilaa damiir la'aane, waxad ka daawanay-seen iyadda oo badhidda dhenged lagala dhacaayo Sodoh-dii, oo ay hoogayeey suuqa dhex-diisa ka leedahay, ee reer Samatar ba ana dhacay, markii beertii uu lahaa awaw-geed caga-cagaf la geliyey. kuwaas baad aayo ka sugaysaan. bal ka qoys-kiisii sidaas loo gelaayo, ee weli wasiir ku sheega u ah ka warama? lase yaabi maayo, oo waa bilaa damiir, Waxa u daran oo qudha, tuugani-madda uu ka dhex saraayo dhawr milyan oo doolar.


(b) Buurta kala jeexan iyana, waxa lagaga qaaday dhul-kooddii dad ah ilaa 600 oo qoys, kuna bara-kacay, oo banaan la wadhay, kuwaas oo weli ku xidh-xidhan jeelka Mandheera qaar-kood, Waxa weliba si rasmi ah uga xoogay dhul-kaas, qoyska uu ka soo jeedo ( hadda cid kale maaha ee waa Raggii ma adiga aka hdhay walaahihii. Ninkan ka amar ku taag-leeya Guriggii Moorgan ee " Xaafad-Tooyadda" kaas oo la yidhaaho "Raggii ma adigaa ka hadhay" qoysas-kaas 600 ahi, waxay wadda haystaan warqadihii sharciga ahaa ee lahaan-shaha. oo uu" Mr Dhalaaye" Solteko lacag kaga urursan jirey maalin kasye oo alle keeno-ba. Waa kuwii War-baahinta iyo Saxaafadda madaxa banaan soo hor dhigay, ee la waydiiyey, dad-kani waa kuwaas sharcigii dhulka ay u lahaayeen, ee casuurta laga qaadi jirey haysta, ee maxaad uga qaaday-saan? Wuxu " dhalaaye ku jawaabay " Hadda ka wadda hadli mayno wrqadaha ay sitaan, ee dhulka gebi-giisaba dawladda baa iska leh. Bal waa-yahaye haday sidaas tahay? Maxaad ugu sharciyey-nayseen markii hore baa hadana la weydiiyey? Wuxu ugu jawaabay" kaagan weriyaha ahi wax kale baad naga rabtaa malaha'e, waxanu ku nidhi dhulka dawladda baa leh, taas oo micna-heedu yahay, waxan doonaa-ba waa ii mubaax, waayo inaadeerkay baa haysta " Xaafad-tooyadda" horaa loo yidhi " Doqon derejo ku tiirsan looma taag helo", Markaas waa kaas ay inoo fasilayso maah-maah-du, ee malaha dad baad u haysataan.


(c) Weli waxan wadnaa Arimaha uu wiilka Ku hor kaaja Dawladda hoose " Mr Dhalaaye" uu isku halaynta u samaynaayo'e, Saw maaha haad-ba-haad kici oo haweeyaa yimiye " Waxa iyana uu yidhi ilayn waa doqonkii yidhi "Wallee kama kaco nin-kaan leg-deye" oo siddii dameertii yarayd, ee hooya-deed dabadda uga nuugi jirtey, buu isku halay-nayaa Askariga ay ilmaadeerka yihiine, intii hore-ba waxay ahayd xasan jigin bikhe, misana " Mr Dhalaaye" Wuxu Yidhi Dawladda hoose baan iyana rarayaa " Ilayn lacag baa ugu jirtee" oo ku kacaysa hanti lagu qiimeeyey $150-200 milayan oo doolarka Maraykanka ah. Taas oo iyana aad la socoteen dadkii laga qaaday dhuylka uu leeyahay wax baan ka dhisayaa, oo mudaaharaad la hor yimi " Xaafad-Tooyadda" oo Dumarkii inta laad dabadda lagala dhacay iyo qoori dabaddii weliba ay qaar xidhnaa-yeen mudo 21 cisho ah. xataa cay kuwo ka mid ahi dhabarka ku siteen ilmo yar-yar kaaga darane, Warqadihii sharciga ay u haysteen, oo ay la hor yimaadeen Guriga Moorgan ee askarigu ku jiro, inta xoog ay kaga qaadeen askartii beelysnayd ee guuri-gaas ilaalisaa, dulka la jiid-jiiday dumarkii, laguna hor jeex-jeexay, baad iyana ka daawanayseen TV-yadda Shicibku leeyahay, kuwa asakrta lagama sii daayo'e.


(d) Degmadda Bender-Wanaag iyana dhulkii ay la haayeen qoysas masaakiin ah, oo beero lahaa, waa tii uu " Mr Dhalaaye" cagaf-cagafta geliyey" ee weliba uu hor taagnaa, isaga oo askar wata, markii weriya-yaashu weydiiyeen-na wuxu ugu jawaabay, wax sharci la yidhaaho oo dhulka u dejisani ma jiraan, meeshii ay doonto Xukuumad ku sheegtu khasab bay ku qaada-naysaa, Bal ka waran Cashuurtii aad ka qaadi jirteen maw soo celinay-saan baa la waydiiyey? Wuxu ugu jawaabay weriyihii "Mr Dhalaaye " Wax kale baad doon-doonaysaa baan filayaa ee waad heli hadaad tegi waydo. Umaadda ina hor taagani waa noocaas ay kaas iyo ragii ma adigaa ka hadhay, geenyo shaaximani ay muraayadd au yihiin, hadal isaga baa iska badane.


( e) Beertii Ilma Saleebaan Bide, oo u lahaan Aaba-hood Saleebaan bide ee ay 100 sano iyo in ka badan lahaayeen ab-ka-ab, ee u dhawayd Garoonka Diyaaradaha Ee Hargeysa, oo mudo badan la isku haystay, ilaa imikana aan dhana u dhicin, ee hadal ka taagan yahay, oo kaa uuska buurani uu kolba ka soo daba kaco, laga soo bilaabo maamulkii Madax-Weyne Siilaanyo, baa iyana siddii ilaa wakhti-gaas lagu haystaa.


(f) Macalinkii uu " Ragii ma adigaa ka hadhay" walaalkii ku qabsday aqal-kiisii dhisnaa, oo hadda aan jago banaan ahayn, ahaa gurii dhisnaa mudo labaatan sano ka hor ah. oo walaalkii yidhi anaka baa lahayn, walaal-kiia uu soo saxeexay, waa kan messha ka dhigay guri aabihii leeyahaye, ee dhulka ku waashay. haday jirto oo ay leeyihiin, maxay ula sugayeen inta ay xukunka boobayeen, ee maamuladdii hore ee ilaa iyo 18/05/1991kii ay u sheegan waayeen, waa wax aan is dhamin, oo ku soo korey caydh iyo saqajaanimo aan dawo lahayn, haba yaraatee.


La Soco Qaybta 10naad.

* N.BDoqon Derejo Ku Tiirsan Looma Taag Hello!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...